Siyaasi Mustafe Shiine oo Si Adag Uga Hor Yimi Xuska Debaal-dega 26-ka June | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Si Adag Uga Hor Yimi Xuska Debaal-dega 26-ka June
June 27, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN) – Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa si adag uga hor yimid munaasibadii loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 59-aad ee 26-kii June markii Somaliland xornimada ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in aanu qabin in loo dabaal-dego maalintaasi, isagoona xusey inay jirin wax ay Somaliland ugu dabaal-degto munaasibadaasi.

Mustafe Shiine ayaa sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey in Somaliland ay ku hungoowday midowgii Somaliweyn, kaasi oo uu ku tilmaamay kuwo uun gumaysi diir madow oo aanay u qudh-qudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii ay reer Somaliland xiligaasi waday.

Mustafe Shiine, ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews, wuxuuna u dhigna sidan:-

“Waxaa loo dabaaldegay sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay maalintaynu qaadanay calankii aan toddobaad bixin ee aynu 4 maalmood kadib, geynay Muqdisho.

Anigu shaqsiyan waxaan qabaa in aanay jirin waxaynu u dabaaldegnaa maalintan, keliya waxa aynu xusi karaynaa in ay bulshada reer Somaliland halgan dheer oo mid hubaysan iyo mid siyaasadeedba leh, kadib aynu ku guuleysanay inaynu gumeysigii cadaa ee Boqortooyada Ingiriiska ahaa uu inaga tegay, balse aynaan hanan oo maalmo uun kadib, aynu tuurnay, iyadoo ay Ina qaaday jibadii ahayd Somaliweyn.

30 sano kadib, ayaa lagu soo dhiciyay dhiig, kadib markii lagu hungoobay dadkii aynu isku muuqa iyo afka ahayn ee ay ina dagtay walaalnimadoodu, kuwaasi oo ahaa uun gumaysi diir madow oo aanay u qudhqudhsanayn walaalnimadii iyo caadifadii waday reer Somaliland.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa habeenkaa oo aan anaguna London ku xusi doono aan anigu u aqaan inuu yahay mid laga dhaxlay cashar nololeed oo aanay ummadda reer Somaliland marnaba dib ugu dhici doonin.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS