Shoodh Laydh oo Ka Kacay Dab Qaybiyaha Korontada (Transmoter) Ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shoodh Laydh oo Ka Kacay Dab Qaybiyaha Korontada (Transmoter) Ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax
June 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Waxaa caawa fiidkii abaaro sideedii habeenimo uu dab weyni ka kacay Dab Qaybiyaha Korontada ( Tranmoter ) ee dabka u qaybiya Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Dab qaybiyahan ayaa waxaa ka agdhawaa kaalinta shidaalka ee Tayasiir, Shirkada Telesom, Meherado Ganacsi oo Tiro badan iyo Guryo intaba, waxaanay khatar ugu jireen in dabkaasi ku fido, balse Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa oo gaadhay goobta uu dabku ka kacay ayaa ka xakameeyay dabkaas.

Ciidanka ayaa ku guuleystay daminta dabkan, iyadoo ciidanku adeegsanayo xirfada dab-daminta, waxaana hawlgalkaa dhamaan ka soo qayb galay xarumaha degmooyinka ee Ciidanka Dab-demiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Taliye Xigeenka, Agaasimaha Fulinta, Laamaha amaanka caasimada iyo Maayir xigeenka Caasimada Hargeys, ayaa iyaguna hawlgalkaa goobjoog ka ahaa kana warbixiyay, sidoo kalena wacyigelin siiyay shirkadaha korontada iyo bulshadaba.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS