|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Dawladaha Islaamka Ee MAKKA oo Gebigabadiisii Lagu Difaacay Jerusalem
June 1, 2019 - Written by Reporter:Makka (WJN) – Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo Madaxda Dalalka Islaamka oo shir ku yeeshay Magaalada barakaysan ee Makka ayaa si wada jir ah u cambaareeyay go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanku uu Jerusalem ugu aqoonsaday Caasimadda Isreal. Hoggaamiyeyaasha Dalalka Islaamka ayaa Go’aanka uu Madaxweyne Trump uu Jerusalem ugu aqoonsaday Caasimadda Isreal ku sheegay mid Sharci-darro iyo Masuuliyad-darro ah. War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen 57 Waddan ee Islaamka ah, ka dib gebogabada Shir deg-deg ah oo ay ku yeesheen Magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa waxay u soo jeediyeen Dawlado sheegay inay Safaaradahooda u rararayaan Jerusalem u soo jeediyay inay arrintaa dib uga fikiraan, maaddaama oo haddii ay sidaasi sameeyaan ay ku gefayaan Sharciga Caalamiga ah. Ururka Dawladaha Islaamka ee OIC wuxuu ku baaqay in Dalalka Safaaradahooda u rarra Jerusalem ay ka qaadaan Tallaabo ku habboon. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Magaalada lagu muransan yahay ee Jerusalem u aqoonsaday Caasimadda Isreal, sannadkii 2017, isagoo jebinaya hab maamuus tobannaan sannadood soo jiray, waxaanau bishii May 2018 uu Safaaraddii Maraykanka ee ku taallay Tel Aviv uu u rarray Jerusalem.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha Iyo Deegaanka Oo Go'aamo Ka Soo Saaray Seerayaashii La Ootay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Oo Ilaa Iyo haatan Wax Jawaab Ah Kasoo Saarin Xoolahii Lagu Baadhay Berb... DAAWO;-Wasiirka Warfaafinta Jsl Oo Kulan Layeeshay Masuuliyiinta Ururka Solja Iyo Arimaha Ay ka Wada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|