SHIRKADA SBI EE COCA COLA OO AMAR QASAB AH KU SOO ROGTAY GANACSATADA SHARAABKA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SHIRKADA SBI EE COCA COLA OO AMAR QASAB AH KU SOO ROGTAY GANACSATADA SHARAABKA
June 20, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa(W.N): Shirkada SBI ee soo saarta sharaabka kooke koolaha somaliland ee ku taala duleedka magaalada hargaysa ayaa beryahan bilowday nidaam cusub oo ka hor imanaya xeerarka ganacsiga dalka isla markaana culays ku haya ganacsatada ka ganacsada sharaabka.
Shirkadan oo ah mida kaliya ee dalka soo saarta sharaabka ayaa waxay qasab kaga dhigtay ganacsatada inay iibsadaan biyaha DASANI oo ah biyo isla shirkadu soo saarto hasayeeshee aan suuq lahayn.

Waxayna shirkadu soo saartay amar ah in cida aan iibsan biyaheeda dassani inaan laga iibinayn sharaabka kooke koolaha.Arintaasi oo qasab kaga dhigaysa dadka raba sharaabka kooka koolaha inay iibsadaan biyaha dassani oo aanay u baahnayn taasi oo culays weyn ku haysa ganacsatada yaryar ee iibiya sharaabka islamarkaana ka hor imanaya xeerarka ganacsiga ee dalka u yaala.
Arintan ayaa dadka u dhuun daloola arimaha ganacsiga Somaliland waxay ku macneeyeen in ay shirkada biyaha ay soo saarto ee dasani markii dalabkoodii yaraaday ay rabto inay ku socodsiiso dalabka kooke koolaha oo isagu ah suuq u xidhan shirkada
Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa laga yaabaa inayna u dhicin sida ay shirkadu filayso oo haday ku sii wado in cida kooke u baahan qasab ku iibsato biyo dasani waxa laga yaabaa inay ganacsatadu arin kale keento oo intay biyo aan soconayn qasab ku qaadan lahaayeen dalbadaan kookaha itoobiya ama meesha kale ee kooke laga helayo.

COMMENTS
LINKS