Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Magaalada Godey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Magaalada Godey
June 20, 2019 - Written by Reporter:

Godey (WJN) – Shil gaadhi ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Godey ee Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, gaadhiga shilka galay oo ahaa Bas ay leedahay Shirkadda Falcon coach Bus, ayaa ka yimid dhanka magaalada Godey wuxuuna u socday magaalada Jigjiga.

Khasaaraha shilkan ka dhashay ayaa isugu jira dhaawac iyo dhimasho kasoo gaadhay rakaabkii saarnaa basksa, waxaana dhaawicii lagu dawaynayaa Cisbitaalka magaalada Godey.

Shirkadda Falcon coach ee baskan iskale ayaa hore dhawr jeer shilal kala duwan ugu gashay degaanka, waxayna markan noqonaysaa markii saddexaad iyadoo dadkuna ay markan shaki ka qaadeen adeegga ay shirkadani bixinayso.

Mas’uuliyiinta Falcon coach Bus ayaan wali ka hadlin shilalka soo noqnoqday ee mudada yar galeen Basaskoodu iyo cilladu halkay tahay iyadoo qadarka Alle uu jiro.

 

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS