Shaqaale Mushahar La’aan Ka Cawday iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Hay”adda Shaqaalaha oo Ka Jawaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaale Mushahar La’aan Ka Cawday iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Hay”adda Shaqaalaha oo Ka Jawaabay
June 15, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Qaar ka mid ah Shaqaale ay Xukuumada Somaliland qaadatay bishii 12Aad ee sanadkii la soo dhaafay oo gobolada dalka oo dhan ka kala yimi, ayaa maanta cabasho la hortagay Hay”adda shaqaalaha dawlada.

Shaqaalahan cabanayay ayaa sheegay in aanay mudo 6 bilood ah oo ay ahaayeen shaqaale dawladeed aanay qaadaan wax mushahar ah, islamarkaasna sheegay in qaar ka mid ah loo diiday inay u shaqatagaan Wasaaradihii lagu qoray.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka Hay”adda shaqaalaha Dawlada Somaliland Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali ayaa ka jawaabay cabashada shaqaalahan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/4WtBiPMQ4pI

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS