|
|||||
WAJAALE NEWS
Qareenno Itoobiyaan Ah oo Qorshaynaya In Ay Dacweeyaan Shirkadda Kaliya Ee Internetka Bixisa Ee Dawladdu Leedahay
June 18, 2019 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN) – Koox qareenno Itoobiyaan ah ayaa qorshaynaya in ay dacweeyaan shirkadda kali ah ee internetka bixisa oo dawladdu leedahay oo khadkii jaratay maalintii siddeedaad. Waxay ku doodeen in arrintani ay ka dhigantahay muwaadiniinta oo laga hor istaagayo xogta, sida uu sheegay qareen Yohannes Enyew. Khad la’aanta ayaa billaabatay Salaasadii, waxayna saamaysay qaybo badan oo dalkaas ah. Khadka ayaa Jimcihii u soo noqday magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa, balse waxay u muuqataa in khadku uu ka maqan yahay Itoobiya inteeda badan. Mararka qaar ayuu soo noqonayay toddobaadkii hore balse wakhti badan ma sii joogayn. Fariimaha gaaban ayaa sidoo kale la joojiyay tan iyo Khamiistii. Shirkadda isgaadhsiinta ee Ethio Telecom kama hadlin sababta khadka loo jaray, balse dadka ayaa isla dhex maray in looga hortago in imtixaanaadka qaranka la qisho.
Wajaalenews Desk Addis Ababa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil Oo Ka Digtay Dagaal Uu Sababi Karo Socdaalka Madaxw... DAAWO;-Xisbiga Ucid Oo Sheegay In Xisbi Xaakimka Kulmiye Weerar Qaawan Ku Hayo Musharixiinta Xisbigo... Cali Guray Oo Shaaciyay In Uu soo Bandhigi Doono Halka Ay Iskala Qaadeen Wasiirka Diinta Iyo Dhaqank... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|