Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho
June 15, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)– Qarax xoog leh ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo qaraxana uu ka dhacay isgoyska Sayidka gaar ahaan goob lagu ilaaliyo Golaha Shacabka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ka dhashay gaadhi waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo gaadhiga qarxay rasaas ay ku fureen ciidamada ammaanka kahor inta aanu qarxin.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay waxaa ka ag-dhow Xarumaha Wasaaraddaha  Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale xarunta Golaha Shacabka.

Qaraxa Labaadna uu ka dhacay Meel ku dhaw Bar Control oo Ku taala Wadada Aada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS