Ninkii Dilay Taliyihii Guud Ee Milatariga Itoobiya oo La Shaaciyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninkii Dilay Taliyihii Guud Ee Milatariga Itoobiya oo La Shaaciyay
June 28, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Waxaa la shaaciyay aqoonsiga ninkii lagu eedeeyay in uu toogashada ku dilay taliyihii guud ee ciidammada dalka Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo jeneraalka kale.

Labadaas nin ayaa Addis Ababa lagu dilay Sabtidii, iyadoo ay arrintaas dawladdu ku tilmaantay in ay qayb ka ahayd iskudaygii afgambi ee la sheegay in uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

Axaddii ayay Dawladda Itoobiya sheegtay in dilka jeneraalka uu masuul ka ahaa waardiyihiisa, xabsi ayayna dhigtay.

Isniintii ayuu Endeshaw Tasew oo ah taliye boolis sheegay in waardiyihii dilka gaystay uu isna is dilay ka dib markii uu jeneraalka khaarajiyay.

Intaas ka dibna booliska faderaalka ayaa raali galin bixiyay oo sheegay in waardiyuhu uu ku jiro Cisbitaal kana soo kabanayo dhaawacyo rasaas ka soo gaadhay.

Telefeshinka dawladda ee ETV ayaa waardiyaha magaciisa ku sheegay Labo Alifle Mesafint Tigabu. Telefeshinka ayaana soo bandhigay sawirkiisa.

Labo Alifle Mesafint ayaa wali lagu dabiibayaa Cisbitaal, gaar ahaan qaybta la dhigo dadka aadka u liita isaga oo ammaankiisa aad loo sugayo, sida uu sheegay telefeshinka ETV.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS