Muwaadin Cabasho Xoogan Ka Madaxweyne Kuxigeenka iyo Shirkadda SHABA Oo Dhulboob Ku Qaadatey Dhulkiisii! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Cabasho Xoogan Ka Madaxweyne Kuxigeenka iyo Shirkadda SHABA Oo Dhulboob Ku Qaadatey Dhulkiisii!
June 25, 2019 - Written by Editor:

Boorame(W,N)-Muwaadin Rashiid Cabdi Dugsiiye, oo kamid ah Shacbiga Kunool Gudaha Magaalada Boorame kana mid ah Aqoonyahanka Gobolka Awdal,ayaa Cabasho xoogan ka muujiyay Cadaalad Darro ay isugu bahaysteen,Maamulka Shirkada Biyaha Magaalada Boorame  iyo Madaxweyne KuxigeenkaSomaliland,Cabdiramaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo Muwaadinkani dhinaciisa ku eedeeyay in uu Si Badheedh ah ula saftey Shirkada  (SHABA) oo uu tilmaamay in uu Kamid yahey Dadka Saamiga Ku Leh Shirkaddaasi laakiin aan Muwaadinimadiisa Waxba laga Tixgalin.

Muwaadinkan sida gaarka ah Cabashada Addag uga muujiyay Maamulka Shirkada Biyaha Boorame ee (SHABA),Cabdirashiid Cabdi Dugsiiye, oo Cabashadiisa Faafahin tixraac ah ku Sameeyay, ayaa xusey in ay Deegaan ku ahaayeen Dhulka ay Ku Damceen Madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici iyo Maamulka SHABA Muddo konton Sanadood ka baddan,islamarkaana, Sababta ugu Weyn ee Wakhtigan looga Qaadayaa Tahey kaddib Markii ay Dhaqaale Badan heleen Ragga Masuulka ka ah Shirkadaasi in ay bilaabeen Damac Dhul-boob oo ay la kaashanayaan Madaxweyne Kuxigeenka Qarranka, Taas oo Tacadiga iyo Dulmiga Lagula Kacayo Dadka Shacabka ah  isagoo arimahaa Qoraal dheer ku faafaahinya Waxa uu u dhignaa Qoraalkiisu Sidan:-

”Aniga oo ah Rashiid Cabdi Dugsiiye kana mida qoyska ay Shirkada Shaba ee M/weyne ku xigeenku saamiga ku leeyahay isku dayayso inay si sharci daro ah kagala wareegto dhul ay deganaayeen mudo konton sano ku dhaw, dhulkaas oo ku yaala Dhamuug Beriga magaalada Borama. Waxan halkan kaga jawaabayaa eedeymo iyo afalagaado shakhsi ah oo M/weyne ku xigeenka wadankani saxaafada uga jeedyey qoyska aan ka soo jeedo. 20/06/2019 mar uu ka hadlaayey M/weyne ku xigeenku Xarunta Ceelasha biya Dhamuug wuxuu eedayn, aflaagdo iyo hanjabaad si toosa saxaafada ugu mariyay qoyska aan ka soo jeedo oo degan degaanka uu M/weyne ku xigeenku ku sugnaa. Halkaas oo khilaaf dhul ku dhexmaray Shirkada Shaba ee uu saamiga ku leeyahay M/weyne ku xigeenku iyo qoyska aan ka soo jeedo, wuxuu si toosa ula saftay

Shirkadan uu saamiga weyn ku leeyahay isagoo iska dhigaya in uu ka hadlayo danta caamka ah ee umada ku nool degaanada Boorma, lakin xaqiiddu waxa weeye in difaacayo dano gaara oo shirkadeed una isticmaalayo mansabk iyo xilka uu hayo inuu ugu adeego danta shirkadan uu saamiga ku leeyahay taasina maaha wax uu xaq u leeyahay in uu awoodisa Dawliga ah ku duudsiyo xaqa aanu ku leenahay degaanka aan deganahy waana ( conflict of interest).

Waxa Nasiib-daro ah in madaxweyne ku xigeenku ka xishoon waayo inuu si toosa saxaafada ugu weeraro isagoo u hadlaaya shirkadiisa eedna u jeedinaya shicibka ay dhulkooga doonayaan in ay kala wareegaan,Kaasi

waa M/weyne ku xigeenkii wadanka,Shirkadan shaba ee M/xigeenku leeyahay shaba oo ah shirkad ka macaashta maalgelinta deeq bixiyayaasha, hantida adeega biyaha iyo khayraadka biyaha ee umada ka

dhaxeya.waxa uu M/weyne ku xigeenku si badheedha fariintan ugu dirayaa dhinac ka mida dadka khilaafku ka dhexeeyo shirkadan uu ka mid yahay isagoo weliba uga digaya muwaadinintan in uu isticmaalayo awoodaha sharciga si uu u fuliyo danaha gaarka ah ee shirkadan uu isagu iska leeyayahay.

Waxaan halkan umada uga sheegayaa aniga oo ah dadka uu sida gaarka ugu xusay hadalkan uu saxaafada ka sheegay 20/06/2019. in shirkada oo isticmaalays awood dawladeed iyo macaashka khayraadka biyaha umada ka dhexeeya ay tacadi iyo caga juglayn joogta ah ku hayso maati iyo carruur degan degaanka ay shirkadani dhulka ka doonayso.

Waxa jecelahay in la xuso taariikhda dhulka uu hada rabo inuu shirkadiisa siiyo isagoo isticmaalaya awooda iyo hantida umada uu yahay dhul ay horeba isugu khilaafeen laba beelood oo ka tirsan beelaha degan degaankan dhibaato iyo fidmo hore uga dhacday hadana uu rabo inuu fidmo horleh oo cusub ka abuuro isagoo u adeegaya danta shirkada uu ka tirsan yahay ee ka macaashta hantida iyo khayraadka umada ka dhexeeya.

Waxan halkan umada degaankan uga cadaynaynaa inaa nay jirin damac iyo dhibaato aanu ku hayno hantida dadka ee ay ka mid yihiin ceelasha, dhismayaasha iyo qalabka adeega biyaha ee umadu leedahay haseyeeshee ay hada macaashto shirkada gaarka ah ee madaxweyne ku xigeenku ka tirsan yahay.

Waxa la ogyahay in dhamaan dhulkii banaanaa ee dadka u dhexeeyay goobaha uu hada ka hadlay madaxweyne ku xigeenku uu hada yahay dhul u xaydaanaban shakhsiyaad gaar oo xidhiidh la leh madaxweyne ku-xigeenka Tusaale ahaan Curaagte loogana baahan yahay dhul danguud, hase yeeshee aan marnaba laga hadal iyadoo dhibaato joogta ah iyo caga jugleyn loogu gaysto maatada iyo caruur degen dhul aad u xadidan oo ka dhaw goobta uu M/weyne ku xigeenku ka hadlay sharcina u haysta, laakiin aan wax xidhiidh la lahayn M/weyene ku xigeenka iyo xubnaha dawladiisa midnaba.

Waxaan umada degan magaalada Boorama iyo waxgaradkaba u Mar Labaadd cadaynaynaa in aan hantida umada iyo waxa umadi leedahay aanan wax dhibaato Ku haynin.

WAJAALENEWS DESK

BOORAMA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS