Munaasabada Ciidda iyo Magaalada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Munaasabada Ciidda iyo Magaalada Hargeysa
June 4, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka dalka Somaliland ee maanta sida weyn looga oogay munaasabada Ciidul Fidriga, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka dadku isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalada, halkaa oo ay ku tukadeen si wada jir ah Labada Rakco ee Salaada Ciidda.

Dadka ayaa Salaada kaddib isugu hambalyeeynayay erayo ay ka mid ahaayeen [Kulu-Caam Wa Antum Bikheyr) iyo Ciid Wanaagsan iyaga oo Alle ka baryay in uu ka aqbalo Cibaadada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Gaar ahaan Carruurta ayaa la arkayay iyaga oo siweyn uga damaashaadaya dariiqyada magaalada, waxaa sidoo kale aan meesha ka madhneyn ehelada is booqanaya si ay isugu marxabeeyaan farxada maalinta Ciidda.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS