|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex oo Xukuntay Masuul Ka Tirsan Xisbiga Waddani
June 27, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa 6 bilood oo Xabsi ah ku xukuntay gudoomiyaha Garabka dhallinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme, oo xabsiga ku jiray in ka badan 50 maalmood. Maxamed Sidiiq Dhame ayaa maanta Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex la horkeenay si ay u dhagaysato dacwadaha loo haysto, waxaanay Maxkamadu sheegtay inay ku heshay Mr Dhame dambi ku saabsan Af-legaaddo Madaxwayne. Hase yeeshee, Xeer-ilaalinta Somaliland ayaa Racfaan ka qaadatay Xukunka maxkamaddu ku riday gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame. Masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa sidoo kale dhankooda isku dayay in dammaanad lagu sii daayo guddoomiyaha Garabka dhallinyarada ee xisbigooda. Maxamed Dhamme ayaa bartiisa uu ku leeyahay baraha bulshadda ee Facebook ka midka yahay ku qoray qoraalo keenay in xabsiga loo taxaabo oo xukuumadu ay si weyn u dhibsatay.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Walaaca Ka Taagan Amar Uu Madaxweyne Siilaanyo Saddex Biloodkii Dhamaaday Mushaharkii Kaga Xanibay S... Daawo: Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Oo Sheegay In Hoos U Dhac Wayni Ku Yimi Dhoofkii Xoolaha Somalila... Agaasimaha Arimaha Bulshada Iyo Nadaafada Ee Dawlada Hoose Gabiley Oo Si wada jir ah U Gubay Cunto... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|