Maxamed Qanyare Afrax oo Maanta Geeriyooday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamed Qanyare Afrax oo Maanta Geeriyooday
June 29, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) – Waxa Maanta Magaalada Muqdisho ku Geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya.

Siyaasiga oo Dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed ka soo noqday Wasiirka Amniga, sidoo kalena noqday Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa u Geeriyooday Xanuun uu Bilihii u dambeeyay la tacaalayey.

Maxamed Qanyare Afrax Oo Maanta Geeriyooday

Maxamed Qanyare Afrax ayaa Saaka ku Geeriyooday Cisbitaalka Erdogan ee Magaalada Muqdisho.

Marxuum Qanyare ayaa lagu xasuustaa inuu ka mid ahaa Isbahaysigii Argagixiso la dirirka ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dagaal markii dambe lagaga adkaaday la galay Maxaakiimta.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS