Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Bari Ee Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Laga Filan Karaa Kulanka Bari Ee Madaxwayne Biixi Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka?
June 28, 2019 - Written by Editor:

Madaxwayne Biixi Maka Tanaasuli Doonaa Mawqifka Xukuumada Ee Gudida Doorashooyinka, Maxaase Ku Cusbaan Doona Kulanka Bari?

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi Ayaa xuskii  munaasibada 26juun ku dhawaaqay in uu kulan layeelan doono maalinta sabti ah xisbiyada mucaaridka ah ee wadani iyo ucid kaasi oo lagaga wada hadli doono qabsoomida arimaha doorashada somaliland ee golayaasha wkiilada iyo deegaanka oo mudo dhaaf ku fadhiya kuraasta.

Kulanka maalinta bari ah la filayo in uu madaxwaynaha iyo madaxda asxaabta ku dhexmaro qasriga madaxtooyada somaliland ayaa ah mid duruufo badani ku xeeran yihiin,

Hadaba maxaa laga filan karaa kulankan muxuuse kaga duwan wanaan doonaa kulamadii hore usoo dhexmaray oo badi ku soo dhamaaday natiijo la,aan?

Muranka ku dhexeeya xisbiyada siyaasada ee somaliland ayaa soo socday mudo ka badan 14bilood kaasi oo salka ku haya kala Aragti duwanaanshaha mawqifka xisbiyada iyo xukuumada ee Dhinaca komishanka doorashooyinka iyo aragtida xukuumada Madaxwayne biixi oo iyadu leh masuuliyada qabsoomida doorashooyinka.

Hadaba hadii aynu eegno kala duwanaanshaha mawqifka xisbiyada oo keenay in uu noqdo mid ay isku mari waayeen taasi oo caqabad ku noqotay qabsoomida doorashooyinka loogu talo galay in ay dhacaan sanadkan,

Xisbiga mucaaridka ee waddani ayaa isagu aaminsan in kala diro komishanka doorashooyinka ee wakhtigan isla markaana la dheeli-tiro qaybsiga Xubnaha Komishanka Cusub.Waddani ayaa sidoo kale qabay in waqtigii 10 bilood ahaa ee la kordhiyay aan waxba la lumin oo toos loo gudo-galo hawlahaas taas oo imika 5 bilood khasaareen.

Halka xisbiga UCID oo isagu ah xisbi mawqifkiisu uu isbadbadalo uu ku raacsanaa Waddani in xubnaha komishanka doorashooyinka la dheelitiro qaybsigooda balse aan kuwan la kala dirin. Waxaa kale UCID iyo Waddani ka midaysnaayeen in xubnaha GDQ lagu daro laba (2) xubnood kuwasi oo loo kordhinayo asxaabta mucaaridka ah. Haddii taa la waayo Waddani wuxuu soo jeediyey in 7 Xubnood ee hore Qaybsigooda dib loogu noqdo iyadoon tirada wax laga bedelin.

Sidoo kale xukuumada/Xisbiga Kulmiye ayaa iyagu ku Adkaysanaya in aan la kala dirin koomishankan hadda balse ogolaatay in marka kuwan hada jooga uu wakhtigoodu dhamaado in lagu daro laba xubnood taasi oo tirada gudida doorashooyinka ka dhigaysa 9.xubnood. Waqtiga muddo-xileedka GDQ ee hadda ayaa ku Eeg 14 maalmood uun ay ka hadhsan tahay maalinka la mudeeyay doorashaddu inay Qabsoonto.

Dhinaca kale waxaa iyana taala oo aan la dhayalsan Karin arinta saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka

Qodobka Saami qaybsiga Kuraasta ayaa hore loogu heshiiyey in Madaxwaynuhu Soo-jeedin sameeyo kadibna Mucaaridka iyo Daneeyayaasha kale talo ku darsadaan. Qodobkan ayaanu Madaxwaynuhu mawqif cad ka istaagin inkastoo uu sameeyay isku-dayo kooban oo uu ku doonayo in aan waxba laga bedelin saamiga hadda kaas oo Gobolada Awdal iyo Sool ay mawqif Adag ka taagan yihiin isla markaana wafti uu hogaaminaya Madaxwayne Ku Xigeenku Awda kala soo noqday waji-gabax iyo diidmo dadka Gobolka Awdal ganafka ku dhufteen. Dhinac kale Sool ayaa iyana wasiiro ka soo-jeeda ku maqan yihiin lamana qabo rajo ah in ay keenaan ogolaansho deegaankaasi ogolaado Saamiqaybsi la’aan.Dedaaladan Xukuumadu ka waddo Sool iyo Awdal kama dhex muuqdaan Shir-gudoonka Wakiilada oo ka soo kala jeeda sool iyo Awdal.

Mawqifyada axsaabta iyo ka xukuumada madaxwayne biixi iyo Kulmiye ayaa noqday mid  dabar ku noqda qabsoomida doorashooyinka somaliland islamarkaana ka dhigay kulamada ay yeeshaan asxaabta iyo xukuumadu kuwa aan laga gaadhin wax natiijo ah

Kulan bari oo bulshada reer somaliland is dhow ula socdaan ayaa ah mid aan si fudud loo odorosi karin waxa uu kaga duwanaan doono kulamadii hore iyo cida la iman doonta tanaasul keena in isfahan laga gaadho muranka udhexeeya xukuumada iyo xisbiyada iyadoo horena ay dhexdhaadinka khilaafkooda u galeen golaha guurtida, beesha caalamka ee daneeya hanaanka dimuqraadiyada somaliland iyo qabsoomida doorashooyinku wallow ay iyagu ku guul daraysteen in arimahani laga gaadho wax midho dhal ah

Madaxwaynaha somaliland oo isagu ah cida ay saaran tahay masuuliyada qabsoomida doorashooyinka dalka ayaan hore ula iman dhiniciisa wax tanaasul ah kaasi oo ay somaliland kusoo caano maashay.

Wararka laga helayo kulan bari ee qasriga madaxtooyada somaliland ayaa lagu wadaa in madaxwayne biixi la iman doono midka duwan mawqifkiisi hore kaasi oo lagu wado in uu ogolaado in la kala diro koomishnka doorashooyinka iyo sidoo kale in tirada xubnaha komishanka lagu daro labo xubnood. Waxaana is-waydiin waxtarka tanaasulka xili wax ka yar 4 bilood ay ka hadhsan yihiin doorashadii hawlihii ka horeeyayna (magacaabistii Komishan Cusub, Diiwaangelintii, Saami-qaybsigii iyo Wax-ka-bedelkii Xeerarka) aan waxba laga qaban. Waxaa dadka siyaasada falanqeeya qaar ku doodeen in Xukuumadu og tahay in waqtiga hadhay aan doorasho lagu qaban karin tanaasul la’aanta horena ay ahayd uun mid waqtiga ay ku ridaysay.

Kuwa kale ayaa ku doodaya in Madaxwaynaha iyo waftigii uu Nairobi u diray ay garawsadeen in masuuliyada qabsoomid la’aanta ay ka dhaxli karaan khataro siyaasadeed oo gudaha iyo dibada ah.

Dooddo kale ayaa qaba in madaxwayne biixi  in uu ogolanshihiisa ku xidhi doono shuruud taasi oo ah ah dhinaca saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka oo iyana kamid ah caqabadaha horyaala qabsoomida doorashooyinka uu Xisbiga Mucaaridka Waddani la qaato aragtida ah in Sidii hore lagu galo kalana shaqeeyo qancinta Goboladda Awdal iyo Sool oo uu taageero xoogan ku leeyahay.

Waxaana lagu waddaa in Waddani aanu ku deg degi-hayn Aqbalaada mawqifkaas Xukuumada isagoo ka baqa qaba in uu lumiyo taageerada awdal iyo sool.

Dhankiisa Xisbiga Waddani Ayaa laga yaabaa in uu Xukuumada ku dirqiyo in ugu yaraan Gobolka Awdal loo celiyo Saddex kursi oo hore looga qaaday, halka Sool la suurtageliyo in 6 Kursi oo beesha dhexe ka hororsatay degmada caynabo in loo celiyo beesha Dhulbahante.

Waxa iyadana suurtagalnimadeedu aad u yar tahay qabsoomida doorasho waqtigeedii  mudadii hore loo cayimay taasi oo dadka siyaasada falanqeeya ay la xidhiidhiyeen in mawqifka xukuumada ee dhinaca doorashooyinka ay sal utahay in aan dalka wax doorasho ahi ka qabsoomin iyadoo taabadalkeedana ku sheegay in ay daliil utahay wakhtigan madaxwayne biixi la yimid tanaasulka. Walaaca ugu wayn ee jira ayaa wuxuu yahay haddii doorasho ku dhici waydo waqtigeedii in laga baaqsan karo jaha-wareer siyaasadeed iyo in kale.

Waxaana dadka werwerkan qabaa hoosta ka xariiqayaan heerka wada-shaqayneed ee madaxda mucaaridka iyo muxaafidka oo aan ku taagnayn lugo adag, kalsoonida xukuumada Muuse Biixi oo hoos u dhacday taas oo loo aanaynayo dheeli iyo sedbursiimo habka beelaha uu ugu qaybiyay Golaha Wasiirada iyo hay’ada kale ee fulinta, Garsoorka

Isku soo wada duuboo, filashada ah in wixii 14 bilood la isku fahmi waayay beri lagu xaliyaa suurtagal maaha. Haddiiba arimaha qaaroodka la isla gartana waqtiga ayaan ku filnayn in doorashooyin ku dhacaan xiligooddii taas oo haddii ay dhici waayaana aanay muuqan karti iyo kalsooni lagaga baaqsan karo Qulqulatooyin siyaasadeed. Waxaa se dhici karta in madaxda mucaaridka iyo muxaafidku ay dadka ugu bushaareeyaan inay isu tanaasuleen balse aanay u balanqaadi karin doorasho waqtigeeda ku dhacaysa ama xal lagu gudbo haday dhici waydo. Su,aasha ay tahay in jawaab waafi loo helaa ayaa ah doorasho Gole deegaan iyo Wakiilo ma dhacaysaa Nov 30 2019? Saamiqaybsiga maxaa laga yeelayaa? Waqtigii lumay sidee looga kabanayaa?

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS