|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Sadexda Xisbi Ee Somaliland?
June 29, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Saddexda Xisbi Qaran u guddoominayey Shir ay ku yeesheen Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Hargeysa. Shirkan oo ay ka qayb-galeen Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE oo ay matalayaan Madaxdooda ugu sarraysa ayaa lagaga wada-hadlay doorashooyinka Golaha Wakiillada ee la qorsheeyay inay Dalka ka dhacdo 13-ka bisha December ee sannadkan 2019-ka, sida uu sheegay Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Mr. Ebyan oo Saxaafadda la hadlay markii kulankaasi dhamaaday. Mr. Ebyan oo faahfaahinaya waxyaabihii lagaga wada-hadlay kulankaasi ayaa yidhi “Kulankaasi wuxuu ahaa is xog-waraysi, kalsooni dhisid, muddo ayaa la kala maqnaa, welina kulamadii way noo socdaan, si wanaagsana wax waanu iskula soo dhawaynay, kulamaduna way noo socdaan iyagoo intan ka koob-kooban.” Ebyan oo u hadlayey Saddexda Xisbiba ayaa sheegay “Waxaanu ka wada-hadalnay doorashada iyo sidii looga wada qayb-geli lahaa, waanu is xog-waraysanay, waanu doodnay, si wanaagsan oo deggan, nadiif ah oo ilbaxnimo ku jirto, welina way noo socdaan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu u sheegaynaa Bulshada inaanu heshiis ku nahay qabsoomidda doorashada, 13-ka bisha December, 2019, welina aanu ku jirno Waddadii loo mari lahaa dooddeeda iyo qaabkii doorashadu u dhici lahayd..” Ebyan wuxuu sheegay in Shirkaa uu u guddoominayey Xisbiyada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayey ku-xigeenkiisu.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:TOBABARE DAVID MOYES OO MUDO HALSANO AH KU BURBURIYEY RAJADII MUDADA 18 SANADOOD AHAYD EE UU SOO DHI... Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Arimo La Xid... Beelihii Ku Dagaalamay Koonfurta Gobolka Sool oo La Kala Wareegay Hubkii iyo Gawaadhidii Ay Kala Qab... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|