Markab Lagu Xayiray Dekedda Berbera iyo Sababta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markab Lagu Xayiray Dekedda Berbera iyo Sababta
June 20, 2019 - Written by Reporter:

Berbera (WJN) – Maxkamada gobolka Saaxil ayaa dekeda magaalada Berbera ku xayirtay Markab kuwa Koontiinarada qaada ah oo ay leedahay Shirkada Caalamiga ah ee MCS.

Sidoo kale, Maareeyaha dekeda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa Maxkamada gobolka Saaxil ka dalbaday inay xanibto Markabkan, kadib markii masuuliyiinta Markabkaasi u raran yahay ay diideen inay bixiyaan lacag dhan $3,500 dolla.

Dhinaca kale, Lacagta lagu xukumay Markabkaasi oo ayaa la sheegay inay qaadanayso Shirkad cusub oo lagu magacaabo Somaliland Decumation oo Xukuumada Somaliland qandaraas ku siisay inay Maraakiibta iyo Doonyaha ku soo xidha Dekeda Berbera oo ay ka qaado $3,500.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Berbera Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS