|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo Ballan-qaaday Inuu Xoojinayo Howlgallada Uu Ka Fuliyo Soomaaliya
June 12, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN) – Maraykanka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amniga ee lagu taageerayo xasillinta Soomaaliya iyo dagaalka al-Shabaab. War-saxaafadeed laga soo saaray kulan ay shalay Muqdisho ku yeesheen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga, taliyaha hawlgalladda militariga Maraykanka ka jooga qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser iyo Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa ballanqaadka lagu sameeyay. “Taageerada nabadgalyo ee Soomaaliya waxay qeyb muhiim ah ka tahay dedaalka uu Marekanka dowladda federaalka iyo dadka Soomaalida lagala shaqeynayo ammaanka iyo nabadda dalkooda.” ayuu yidhi Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya, Donald Yamamoto. ” Degganaashaha iyo nabadda Soomaaliya micnaheedu waa deganaashaha dheeriga ah ee mandiqadda geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay diiradda saaraan dhismaha mustaqbal barwaaqo ah.” ayuu ku daray Donald Yamamoto. Marekanka ayaa howlgallo uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya ka fuliya deegaanno ka tirsan dalka, waxaana inta badan howlgallada lagu beegsadaa saldhigyada al-Shabaab iyo Daacish.
Wajaalenews Desk Muqdisho Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo: Madaxweynaha Cusub Ee Iiraan Hassan Rohani Oo Booqashadiisi Ugu Horaysay Ku Tagay Dalka Cumaa... Madaxweyne Siilaanyo Iyo Beesha Caalamka Oo Si Weyn Isugu Maandhaafsan Kala Qaadista Labada Doorasho... Taariikh Nololeedkii Ambasador Cabdiraxiim Caabi Faarax Oo Ahaa Qofka Kaliya Ee Somali Ah Ee Noqday... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|