Magaalada Wajaale oo Si Balaadhan Looga Oogay Salaada Ciidul Fidriga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Wajaale oo Si Balaadhan Looga Oogay Salaada Ciidul Fidriga
June 4, 2019 - Written by Reporter:

Tog-Wajaale (WJN) – Magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale ee Somaliland, ayaa weyn looga oogay salaada Ciidul Fidriga, iyadoo subaxnimadii hore ee saaka dadku isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Wajaale, halkaa oo ay ku tukadeen si wada jir ah Labada Rakco ee Salaada Ciidda.

Waxaana shacabka magaalada Wajaale kala qaybgalay Salaada Ciida Maamulka magaalada Wajaale.

Dadka ayaa Salaada kaddib isugu hambalyeeynayay erayo ay ka mid ahaayeen [Kulu-Caam Wa Antum Bikheyr) iyo Ciid Wanaagsan iyaga oo Alle ka baryay in uu ka aqbalo Cibaadada bisha Barakeysan ee Ramadaan.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Tog-Wajaale Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS