|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Haween Weynaha Gobolka Awdal iyo Nuxurka Qodobadii Lagaga Wada Hadlay
June 21, 2019 - Written by Reporter:Borama (WJN) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay Kulan balaadhan la yeeshay Haween weynaha Gobolka Awdal, waxana fadhigaasi ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Maayirka Magaalada Boorama, sidoo kale shirka waxa goob joog ka ahayd Marwada Madaxweyne ku xigeenka Marwo Raxma Xaaji Maxamuud Suldaan. Mudadii uu socday kulankan dhexmaray Waftiga Madaxweyne ku xigeenka iyo Haween weynaha Gobolka Awdal ayaa lagaga wada hadlay horumarinta Gobolka iyo Degmooyinka hoos yimaada gaar ahaan Xarunta Gobolka ee Boorama, waxaana ay Waftigu u sheegeen haweenka inay u socdeen sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Gobolka, islamarkaana looga wada shaqayn lahaa sidii loo dhisii lahaa mustaqbal wanaagsan oo ummadda u horseeda barwaaqo iyo wada jir. Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa haweenka u sheegay inay yihiin laf-dhabarka ummadda loona baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan hormumarka gobolkooda ka masuuliyiin ahaana ay barbar taagan yihiin. waxaana uu Madaxweyne ku xigeeenku ka dhawaajiyey in horumarka ugu weyn ee maanta gobolka in laga qabto loo baahan yahay uu yahay sidii waddi loogu dhisi lahaa Jidka isku xidha Boorama iyo Saylac oo haatan dhismihiisu bilow yahay. Haweenka oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey la kulanka waftiga madaxweyne ku xigeenka islamarkaana waxay Madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyeen sida wanaagsan ee uu u qaabilay, waxaanay sheegeen inay diyaar u yihiin horumarkasta oo gobolkooda laga fulinaayo inay qeybtooda ka qaadanayaan si hagar la’aan ahna ay ula shaqaynayaan dawladooda kuna faraxsan yihiin qaranimadooda iyo wada jirka ummadooda.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Borama Office Wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO;-Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Ee Wadani Oo Xukuumadu Ugu Baaqay Inay Cadeyso Daawooyin Kontidh... "Berbera Kuleylku Wuxuu Marayaa 45 Biyo La,aantuna Meel Adag Bay Mareysaa Waxaanu Cabnaa Dhiiga Masu... Gudoomiye Khaalid Qodax Oo Wax Laga Waydiiyay Sobobta Loo Eryo Shaqaalaha Dawlada Ee Taageera Mucaar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|