Farmaajo oo La Ciidday Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya (SAWIRRO) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farmaajo oo La Ciidday Cutubyo Ka Tirsan Ciidanka Soomaaliya (SAWIRRO)
June 4, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) – Madaxweynaha Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda ciidda kula tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Soomaaliya Masjidka Dugsiga Tababarka ee Jeneraal Goordan.

Salaaddii ciidda kaddib, Madaxweynaha ayaa goob fagaare ah kula hadlay Ciidanka waxa uuna ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga, isagoona xasuusiyey muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya.

“Qof kast oo ku biira ciidanka waxa uu naftiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa, waana sharaf iyo waddaniyad tan ugu sarreysa. Waxaad raadineysaan waa inaad soo celisaan dalkeenna haybadiisa iyo sharafkiisa.” Ayuu yidhi Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyaradan u istaagay difaaca dalkooda ay ka tarjumayso rajada weyn ee aynu ka qabno dib u soo celinta qaran Soomaaliya oo ka tilmaaman Gobolka iyo Caalamkaba.

 

Wajaalenews Desk

Muqdisho Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS