|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jsl Oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 42-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen.
June 26, 2019 - Written by Editor:WAR SAXAFADEED KASOO BAXAY XAFIISKA MADAXWAYNAHA JSL. HAMBALYO MADAXWEYNE HARGAYSA(W,N)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan caawa, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo. Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Dawladda Itoobiya Oo Sheegtay In TPLF Doonayso Inay Addis Ababa La Yeelato Xidhiidh La Mid Ah Midka ... Maayarka Caasimada Iyo Siyaasi Warancade Oo Ka Hadlay Dhex Dhexaadin Ay Ka Wadaan Xisbiyada Mucaarid... Xukuumada Somaliland oo shaacisay natiijada baadhitaan Ay ku Samaysay maydkii marxuum Cabdinaasir! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|