|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Geerida Xildhibaan Cali Aareeye Oo Ku Geeriyooday Turkiga
June 5, 2019 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golaha Baarlamaanka gaar ahaan golaha wakiilada Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeyeoo ku geeriyooday dalka Turkiga Xalay oo ay taariikhdu tahay 05/06/2019. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan qaran oo ka baxay guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, muddo dheerna u shaqaynayey qarankiisa, isagoo dawladii marxuum Cigaalna ka soo noqday wasiirka wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska, 2005-kiina ku soo baxay doorashadii golaha wakiilada Somaliland oo uu ka mid ahaa hadda, laguna xasuusan doono xildhibaanka waayo aragnimo, karti iyo aragtidiisa waddanimo. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Baarlamaanka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Daawo:Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Maanta Qaab Dheemaalaysan Ku Ansixiyay Heshiiska Dekeda Berb... DAAWO; Wasiirka Madaxtooyada Oo ka Hadlay Ujeedada Safar Uu Ugu Anbabaxay Dalka Kuwait Iyo Wafti ka... Gudoomiyaha Sariflayaasha Jsl Oo Ka Digay Loodh Kamid Ah Lacagta Somaliland Oo Suuqa Kasii Baxaysa ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|