Madaxwaynaha Jsl Oo Laalay Xukunkii Deg Dega Ahaa Ee Gobolka Sanaag Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Laalay Xukunkii Deg Dega Ahaa Ee Gobolka Sanaag Iyo Sobobta!
June 25, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) WAREEGTO KASOO BAXAY XAFIISKA MADAXWAYNAHA SOMALILAND AYAA LAGU SHEEGAY IN XUKUUMADU KA NOQOTAY XUKUNKII DEG DEG AGAA EE AY KUSOO ROGTAY GOBOLKA SANAAG

HALKANKAGA BOGO WAR SAXAFAADEEDKA MADAXWAYNAHA;

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 

Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida                                      Hargeysa

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada                                             Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                    Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga                                       Hargeysa

Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka                                            Hargeysa

Markaan Arkay:   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay:   In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay:   In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen  ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharcig

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS