Madaxtooyada Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadallo Ka Soo Yeedhay Maamulka Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadallo Ka Soo Yeedhay Maamulka Muqdisho.
June 26, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Xukuumadda JSL ayaa jawaab ku habboon ka bixisay hadallada ladhka sii kicinaya ee ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed uu caawa ka soo baxay madaxtooyada JSL oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shabakada Wajaalenews, ayaa u qornsaa sidan:-

“Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”. Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay.

Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda.

“Duddadaanu ahayne,

Dawlad soo gadhay ma ihine,

danteennaa laba diiddaye,

Dabuub aannu maqlaynay,

dareen baannu ka qabnaayoo,

dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

doonniyi yaanay ku leexan”.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS