|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxtooyada Jsl Oo Ka Hortimid Magacaabis Uu Wasiirka Ganacsigu Ku Sameeyay Masuulka Arimaha Ganacsiga Ufadhiya Safaarada Itoobiya Iyo Fadeexadaha Ku Lamaan!
June 9, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa 23 Bisha May masuul Cusub umagacaabay wakiilka xukuumada somaliland ufadhiya Arimaha Ganacsiga Ee safaarada etoobiya kaasi oo uu umacagaabay Aqoonyahan Cabdibaasid Aadan Ibraahim, Halka uu xilka qaadisna ku sameeyay masuulkii hore ujoogay arimaha gancsiga safaarada Somaliland ee Adis-ababa. Cabdiraxmaan Cabdi Xassan. Wararka laga helayo isku badalka labadan masuul ayaa Sheegaya in ay jiraan amaro kasoo fulaya qasriga Madaxtooyada Somaliland kuwaasi oo Wasiirka Ganacsiga cadaadis lagu saaray in uu ka noqdo magacaabista uu sameeyay islamarkaana uu xilkaasi sii jooga masuul hore ee xilka laga qaaday. Wallow Aan Si rasmi ah loo haynin ujeedada keentay in la hakiyo isku badalka labadan masuul oo mudooyinkii ugu danbeeyay hadalhaynteedu ku badnayd baraha ay ku kulanto bulshadu xukuumaduna aay wali si cad uga hadal, Sidoo kale wararka laga helayo arinta ayaa intaa ku daraya in wasaarada arimaha dibada oo iyagu leh og ay fariimo dhinaca madaxtooyada kaga yimid gadh wadeena Uu Ka yahay wasiirku xigeenka arimada bidaba ay qayb ka yihiin qorshaha lagaga horyimid magacaabista masuulkan cusub iyadoo taasi badalkeeda ay hormuud ka tahay qorshaha lagu doonayo in uu xilka sii jooga masuulkii xilka laga qaaday oo madaxwayne muuse biixi adeer uyahay. Qorshahan la sheegay in uu kasoo fuliyo madaxtooyada Somaliland isla markaana lagu kala xigtaystay labo nin oo sifo sharci ah layskugu badalay ayaa noqonaysa mid fadeexad ku ah milgaha dawladnimo iyo ku dhaqanka sharci ee u yaala laamaha dawlada. Wasiirka wasaarada ganacsiga ayaa lafilayaa in uu soo saaro warqad uu kaga noqonayo magacaabista Aqoonyahan Cabdibaaskid oo isagu deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Gabiley oo ah meelihii sida wayn looga doortay madaxwayne Muuse Biixi Halka masuulkii hore ee xilka laga qaaday Cabdiraxmaan C, Xasan oo hada lagu wado in uu sii jooga shaqadii uu qaranka u hayay uu yahay wiil madaxwayne biixi u yahay adeer kana soo jeeda deegaanka Xaraf . Maaha markii ugu horaysay ee ay Arintan oo kale ay ku kacaan xukuumadihii kala danbeeyay ee kulmiye waxaana hore u dhacday in xiligii xukuumadii Axmed siilaanyo Wasiirkii Warfaafinta Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) lagu Amartay in uu ka noqdo wareegto uu xilka kaga qaaday Maareeyihii Tvga Qaranka iyo Gudoomiyaha wargayska Dawan taasi oo uu wasiirkii warfaafintu diiday in uu buriyo talaabo sharci o uu xaq uleeyahay taasi oo markii danbe sobobtay in uu wasiir boobe iskaga tago xilkii uu ka hayay xukuumadii Axmed siilaanyo. Wallow Wasiirka wasaarada Ganacsiga ee xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi lagu wado in uu aqbalo amarka kaga yimid dhinaca Madaxtooyada taasi oo dhaawac wayn ku ah wasiir Saajin iyo guud ahaan Qaranka somaliland LASOCO WIXII AY KU DANBAYSO ARINTANI. WAJAALENEWS DESK WAJAALE STAFF HARGAYSA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|