Laba Hablood oo Dhawaan Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaal Somaliland oo Ka Waramay Tacadiyo iyo Hanjabado Ay Wajaheen Wakhtigii Ay Xabsiga Ku Jireen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Hablood oo Dhawaan Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaal Somaliland oo Ka Waramay Tacadiyo iyo Hanjabado Ay Wajaheen Wakhtigii Ay Xabsiga Ku Jireen
June 4, 2019 - Written by Reporter:

Ottawa (WJN) – Laba haween ah oo heysta dhalashada dalka Canada, laguna xidhay Somaliland ayaa sheegay in wakhtigii ay xabsiga ku jireen ay wajaheen tacaddi badan inta badanna laga hor istaagi jiray waxyaabaha ay sharciga u leeyihiin, sida cuntada, dawada iyo nadaafadda aasaasiga ah.

Maymuuna Cabdi, oo 28 jir ah iyo Karima Watts, oo 24 jir ah ayaa ku dhawaad 3 bilood ku jiray xabsi ku yaalla Somaliland, kahor inta aan si lama filaan ah loo sii deynin.

Haweenkan ayaa sidoo kale midkiiba lagu xukumay 40 jeedal, inkastoo ay ka badbaadeen ciqaabtaas.

Waxaa lagu eedeeyay inay khamri cabayeen, arrintaasoo mamnuuc ka ah Somaliland.

.

Balse dumarkan ayaa dood ka qabay dacwadda lagu soo oogay, waxayna sheegeen in la badhtilmaameedsaday markii ay isku dayeen inay caawiyaan haweeney kale oo tacaddiyo kala kulmeysay qoyskeeda.

Qareenkii u doodayay oo lagu magacaabo Mubaarik Maxamed Cabdi ayaa sheegay in labadooduba ay dhibbaneyaal u ahaayeen “arrimo la siyaasadeeyay”.

Maymuuna ayaa sheegtay in wakhtigii ay xabsiga ku jireen uu ahaa mid argagax leh, ayna u cabsadeen caafimaadkooda.

“Ma aha in sidii la iila dhaqmay loola dhaqmo qof kale,” ayay tidhi mar ay wareysi ku bixineysay khadka telefoonka.

BBC-da ayey la hadashay wax yar ka dib markii ay iyada iyo Watts ka dageen waddanka Canada.

Watts iyo Maymnuuna ayaa ilaa yaraantoodii saaxiibbo ahaa, waxayna si wada jir ah ugu koreen magaalada Ottawa.

Bishii Oktober ee sanadkii lasoo dhaafay, Maymuuna waxay u safartay Somaliland, waxayna joogtay magaalada Hargeysa, oo ay qoyskeeda hanti ku leeyihiin.

Saaxiibadeed Karima Watts ayaa ka daba tagtay bishii January ee sanadkan.

Hooyadeed ayaa halkaas ku dhimatay markii ay Watss yareyd, isla meeshaas ayaana lagu aasay.

Waxay Hargeysa u tagtay “si ay wakhti xasuus ah ugu soo qaadato”, sida ay ku sheegtay bayaan kooban oo ay soo saartay.

Maymuuna waxay sheegtay in maadaama ay “asal ahaan kasoo jeeddo halkaas” Somalialnd uu yahay mid ay yaraanteedii ku sugneyd, “inaanay marnaba ku fikireynin khatarta intaas la’eg”.

“Khalad uma arkeynin inaan meeshaas tago. Uma maleyneynin inaan halis u socdo,” ayay tidhi.

“Qof walba wuxuu i weydiinayaa sababtii aan halkaas u tagay, su’aashaas aniga waxay iila muuqataa sidii in la leeyahay ‘Maxay dhar ahaan u xidhnayd?”.

Intii ay Hargeysa joogtay, Maymuuna waxay sheegtay inay billowday uruurinta sheekooyinka ku saabsan gabdhaha la kulma tacaddiyada jinsiga la xidhiidha, inkastoo ayna ka tirsaneyn wax hay’ad ah.

Waxay daneyn jirtay arrimaha la xidhiidha bani’aadannimada, horena waxay si isxilqaamid ah uga qeyb qaadatay mashruuc caawinta dumarka ah oo ka jira dalka Canada.

Intii ay ku sugneyd Somaliland, waxay la kulantay haweeney uu kiiskeeda soo jiitay, maadaama sida ay sheegtay ay heysteen dhibaatooyin culus.

Bishii November, Maymuuna waxay haweeneydaas ka caawisay inay si qarsoodi ah uga baxsato qoyska ay sheegtay inay tacaddiga ku hayeen.

“Waan soo dhex galay xaaladdeeda, waana kaxeeyay. Waan caawiyay,” ayay tidhi.

Balse waxay ogeyd inay garab uga baahneyd dad kale oo khibrad u leh arrimahan.

Waxay xidhiidh la sameysay mashruucii ay hore sida isxilqaamidda ah uga qeyb gashay oo lagu magacaabo ‘I Do Project’.

19-kii bishii January, Maymuuna iyo Watts waxay booqdeen guri ay ku sugnaayeen arday aqoonyahanno ah, oo sheegay inay u hayaan fursado shaqo oo ah dhinaca hay’adaha aan dowliga ahayn.

“Wax yar markii aan halkaas joognayba, qof ayaa soo garaacay albaabka,” ayay tidhi Maymuuna.

Ninkii albaabka furay xabbad ayaa lagu dhuftay, wuuna dhaawacmay. Booliska ayaa albaabka lasoo galay hub.

“Waxaan u maleynayay in nala dili doono,” ayay tidhi. “Neefta ayaa iga soo bixi weyday.”

Booliska ayaa gacmaha ka xidhay labadii saaxiib waxayna geeyeen saldhigga, kaasoo sida ay Maymuuna sheegtay aad u buuxay, kuleylna ahaa.

Waxay sheegtay in xaaladihii ay xabsiga ku mareen ay ahaayeen kuwo qallafsan, oo si xun loola dhaqmay.

Waxaa markii dambe u suurtagashay inay Telefoon ay ka amaahdeen qof xabsiga kula jiray kulana hadlaan wakiil ka tirsan dowladda Canada oo ku sugan magaalada Nairobi.

Laakiin waxay sheegeen inay caawinaad yar ka heleen saraakiisha, oo qoska Maymuunana ay dadaal ku bixiyeen sidii ay u garab taagnaan lahaayeen intii ay xabsiga ku jireen.

Maymuuna hooyadeed waxay xitaa laaluush u bixisay si ay usoo deyso gabdhaha.

Dowladda Canada ayaa xaqiijisay inay labada dumarka ah caawisay, waxayna sheegtay inay leedahay qorsheyaal ku aaddan muwaadiniinteeda dibadda lagu xidho, balse way ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah bixiyaan.

Maymuuna waxay sheegtay inay u maleyneyso in Canada ay aamintay dacwadda lagu oogay ee ahayd inay maandooriye cabayeen, oo ayna dhag jalaq u siinin sheekadooda kale.

“Waxaan dareemayaa inaanay wax su’aal ah na weydiinin. Waxay u muuqdeen inay fikirkooda kasii heysteen kiiska markii ay nala soo hadlayeenba,” ayay tidhi.

Hanjabaad joogto ah

Maymuna waxay sheegtay inay damacday inay ka hadasho sidii loola dhaqmay, laakiin ayna jirin cid dhageysatay.

“Ma jiro qof xaq u leh inuu qof kale sidaas ula dhaqmo, inay sidaas sameeyeenna micnaheeda ma aha inay heystaan marmarsiiyo ay kusii wadaan,” ayay tidhi.

Maalintii Arbacada ahayd, Cheryl Hardcastle oo ah xildhibaanadda cusub ee xisbiga dimuqraaddiga u matasha baarlamaanka Canada ayaa dowladda federaalka ee dalkaas ka dalbatay inay caawinaad dheeraad ah siiyaan muwaadiniinta dibadda lagu xidho.

Qareen Mubaarik Maxamed ayaa qudhiisa ka tagay Somaliland, isagoo sheegay inuu helay hanjabaado joogto ah oo loogu jeedinayo sababtii uu kiiska maxkamadda ugu matay haweenkaas.

“Waxaan ka baxsaday waddankeyga. Xaaladdeyduna ma fiicna,” ayuu yidhi.

Waxa uu hadda ku sugan yahay Itoobiya, oo uu ka heysto dal ku gal ku meel gaadh ah.

Gabadh kale oo Maymuuna walaasheed ah ayaa xitaa dareentay cabsi, wayna ka tagtay Somaliland.Wajaalenews Desk Hargeysa Office

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS