Khatarta Aqoon Daro Ee Ka Jirta Goobaha Iclaajyada Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khatarta Aqoon Daro Ee Ka Jirta Goobaha Iclaajyada Somaliland!
June 29, 2019 - Written by Editor:

Nin buka boqol u tali waa qormada diirada qoraalkaygan  fariin caafimaad  sameecado waawayn oo lagu siraado  dadka buka waa mid ka mida suuq galinta soojiidashada goobaha iclaajyada inta badan waxa u badan dadka buka ee raadinaya caafimaad haween aad u tara badan oo tuban goobaha iclaajyada ma jirto sifo lagu ogaan karo noocyada xanuunada ku qarsoon haweenkaas sida macaanka dhiigkarka marka ay daatan iyagoo miyir la  doorsomay  dhawaaqa sameecadaahas waawayn ee quraanku ka baxayo oo aad uga sareeya cabirka maqalka dhagaheenu ay maqli karaan argagax aad u xoogan  ayaa ka jira goobahaas iyadoo marka ay haweenkaas  ay la miyir doorsooman  maqalka codka sameecadaha waxa uu  sheekha iclaajku ku cabirayaa ogaanshaha xanuunka qofku  la dhacay ama uu la miyirdoorsamay inuu yahay  jin qofka buka ku jira ma jirto aqoon intaas u sii dheer oo ay ku ogaan karaan ama kula socon karaan  xanuunada kale ee ku qarsoon qofka buka waxa u sii dheer faraha oo laga xidho jin saarista iyo biyo  lagu rusheeyo qofka buka astaamahan waa  shaqooyinka  kasocda goobaha iclaajyada dalka oo loo aqoonsan yahay inay yihiin goobo caafimaad

Nin buka boqol u tali barigii hore ma  ay jirin goobo iclaajyo  sida ,maanta  ganacsi gaar loo leeyahay uu noqday  waxa ka iman kara aqoon darada shaqo ee goobahas  khatar caafimaad  tacadi xuquuqa insaanka.

quraanka kariimka in la isku daaweeyo ilaahay baa quraankiisa ku sheegay in quraanku idiin daawo yahay  intaa waxa dhaafsan ma sharcibaa mise waa sharci daro  sida daawooyinka dhirta  dadka maskaxda ka jiran in lagu hayo qolol cidhiidhi ah oo aan lahayn dhamaan adeegyadii caafimaad ee uu u baahna bukaha maskaxda ka jiran sida daawooyinka dimbirka  goobahii nasashada  etc

Barigii  hore waxa loo gayn jiray sheikh ku akhriya qofka buka quraan ama cashar biyo quraan lagu akhriyey  waxa soo raaci jiray traditional heeler daawo dhaqameed sida hilib daqlaha goyntiisa  etc

Iclaajyadu goormay bilaabmeen shaqadoodu  sharcigu ma u ogolyahay in  ay dad maskaxda ka buka ay  ku hayaan goobahooda dadka cilaajyada ka shaqeeya aqoon ma u leeyahiin shaqadan ay hayaan  goobta cilaajku ma tahay goob loogu talo galay in lagu daryeelo  dadka maskaxda ka jiran oo ay u dhan yahiin  baahiyaadkii iyo adeegyadii caafimaad ee uu u baahan yahay  bukahu sida dr maskaxda  goobo nasasho  takale waxa iswaydiin mudan  side loola dhaqmaa  xoriyada qofka maskaxda ka jiran  ee lagu hayo goobahaas cilaajyada

Awooda dawladnimo iyo sharciga dalka ka jiraa ma jirtaa siyaasad cad oo lagula socdo dadka lagu hayo goobaha iclaajyada iyo xaaladooda daryeel  caafimaad

Iclaajyadu waa goobo ay ka socoto shaqooyin badan oo midba nooc ay u taagan tahay waxa jira dalkeena iclaajyo aad u fara badan qaar ka mid ah waxa lagu bixiyaa dawooytin dhir ah oo dalka dibada uga yimaada qaar ka mida waxa lagu  hayaa  dadka ka jiran dhimbirka hadaba waxa  haboon in la is waydiiyo  aqoon intee leeg ayey u leeyahin iclaajka iyo dabiibkiisa dadka iska leh goobahan iclaajyada  wasaarada caafimaadka  Somali land  maxaa uga qorshaysan goobahan iclaajyada   iclaajyadu ma ku furan yahiin  sifo sharci dawladeed ah

Xanuunka  durada  JINKA  oo ay u badan yahiin dumarka  side  lagu kala garan kara  xanuunka garashada maskaxa jinka sixirka isha marka  dadwaynahu ay la xidhiidhayaan goobaha iclaajyada dumarka miyaan loo baahnayn dumar haya

iclaajyadu waxay samaysmeen waqtigii burburkii dawladii hore ee somaalia  dalka waxa ka shaqayn jiray  awooda shaqo caafimaad ee dawliga ah sida dhakhtarada farmasiyo  xadidan  iyo tayada daawooyinka dalka iman jiray oo ahaa daawooyin lagu kalsoon yahay  waxa soo raaci jiray culumo wadaada oo quraanka kariimka wax ku dabiiba sida ilaahay  yidhi quraanku waa idin daawo ee isku dabiiba  hadaba  waxa loo baahan yahay in dadka  maskaxda ka jiran  oo u baahan sharci caafimaad oo lagu daaweeyo lagula dhaqmo  daryeelkooda caafimaad  iyo goobo ku haboon oo loogu talo galay  in ay ka helaan dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee ay u baahnaayen

 

DR:Buux Ibrahim Aadam                                                       EMAIL:Buux2010@gmail.com                                                                                          063 4130821

 

COMMENTS
LINKS