Kenya: Sadex Qof oo Looga Shakisan Yahay Cudurka Ebola | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kenya: Sadex Qof oo Looga Shakisan Yahay Cudurka Ebola
June 17, 2019 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN) – Ilaa sadex ruux ayaa si gooni loogu karantiilay kadib markii dadkaasi looga shakiyay inay la xanuunsan yihiin caalaamadaha cudurka waayadaan dambe ku baayay Qaarada Africa ee Ebolo, waxaana Sadexdaan qof lagu hayaa Cisbitaalka magaalo madaxda Ismaamulka Kericho ee Kericho.

Sayga qofka dumarka ah ee lagu arkay calaamadaha cudurka iyo labo qof oo kale ayaa habeenkii Axadda la gaadhsiiyay Isbitaalka.

Dr Shadrack Mutai, oo ah madaxa qeybta caafimaadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen tilaabooyin ay uga hortagi karaan calaamado loo malaynayo inay yihiin kuwa cudurka Ebolo.

Deegaanada laga soo sheegayo in lagu arkay cudurka Ebole ee Kenya ayaa xaduud dhow la leh dalka Uganda oo maalmihii la soo dhaafay dhowr qof ay ugu geeriyoodeen cudurka Ebola, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashada cudurkaasi uu sababay ay sii korodho dalka Uganda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa khuburo dhanka caafimaadka ah u dirtay Ismaamulka Kericho ee dalka Kenya si ay baadhitaano dheeraad ah ugu soo sameeyaan sadexda ruux ee sida ee looga shakisan yahay inay qabaan calaamadaha cudurka.

Sidoo kale qeybta Adeega baadhitaanka Dawooyinka ee Dowladda Kenya oo iyaguna tibaajabo ka qaaday dhiggaga dadkan ayaa la filayaa in jawaabtooda ay soo saaraan saacadaha soo socda.

Maalintii Axadda ayay ahayd markii Cisbitaalka Siloam loola cararay qof Haweeneey ah oo ka soo safarta magaalada Malaba ee Ismaamulka Busia ee dhanka Bari ee xuduuda Kenya iyo Uganda taasoo markii dambe loo soo wareejiyay Cisbitaalka magaalada Kericho.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS