Itoobiya oo Xidhxidhay Dad Mucaaradka Taageersan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Xidhxidhay Dad Mucaaradka Taageersan
June 27, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Ugu yaraan 56 xubnood oo taageersan xisbiga mucaaradka ah ee National Movement ee ka jira gobolka Amxaarada ayaa la xidhxidhay, sida uu afhayeenka xisbigaasi uu sheegay.

Xidhitaankan ayaa daba socda afgambigii dhicisoobay ee la sheegay in uu ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Afhayeenka xisbiga Christian Tadele ayaa sidoo kale sheegay in dad laga xidhxidhay gobolka Oromada.

Booliiska Itoobiya wali ma xaqiijin xidhxidhitaankaas.

Tan iyo markii xisbigan National Movement laga aasaasay gobolka Amxaarada sannadkii hore wuxuu mucaaradad kala kulmay xisbiga Amxaarada ee qaybta ka ah isbahaysiga talada Itoobiya haya.

Xisbigaas ayaa cambaareeyay rabshadihii ka dhacay gobolka Amxaarada, wuxuuna diiday in uu ku lug lahaa isku daygaas awoodda lagu maroorsanayay.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS