Is Bar-bar Dhig Lagu Sameeyay Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta oo Ku Saabsan Kala Fogeynta Bulshada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is Bar-bar Dhig Lagu Sameeyay Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta oo Ku Saabsan Kala Fogeynta Bulshada
June 2, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN) – Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay qaabka bulshada ay Madaxweynaha u yihiin isugu hayaan Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awoodi kari waayey in uu isku soo dhaweeyo ilmaadeeradii, marka laga yimaadaba bulshada kale ee reer Somaliland.

Halka uu Madaxweyne Uhuru ku tilmaamay mid kolba direys u xidhanaya siduu u mideyn lahaa malaayiinta uu talada u hayo.

Mustafe Shiine ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay kala qeybinta bulshada reer Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in qaranka Somaliland aanu waxba u noqoneyn muddada kooban ee uu talada hayo.

“Ragna malaayiin kala diimaa bay mideyntoodii marba dirays u xidheen, qaarna markay Ilmaadeertii isu laab-xaadhi kari waayeen, ayaa intii kalena ka quusatay oo ay xadhkaha goosatay” ayuu ku yidhi qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews.

Wuxuuna intaasi kusii daray “Caqligii lagu waday ee suufka iyo xanjada isku hayay kolkii meesha laga saaray, ayuu ninkii aan niyada iyo qalbiga ka ahaynba fursad u arkay. Taariikhda uun baa kugu sunti “kala diree”, qaranka Somaliland waxba u noqon maayo, mid danaysi kula joogay iyo mid u kala abtiriyay toona, wakhtigu wuu gaaban yahay”.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS