Iran oo Kordhinaysa Tayaynta Heerka Macdanta Ay U Adeegsanayso Nuclear-ka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iran oo Kordhinaysa Tayaynta Heerka Macdanta Ay U Adeegsanayso Nuclear-ka
June 17, 2019 - Written by Reporter:

Tehran (WJN) – Afhayeen u hadlay hay’ada Nuclear-ka dalka Iran ayaa sheegay in Iran ay kordhinayso tayaynta heerka macdanta uranium-ta ee loo adeegsado hubka wax baabiiya ee Nuclearka, isla markaana uu dalkiisu mudooyinkii u dambeeyey uu dadajiyey tayaynta macdantaasi.

Hadalkan ka soo yeedhay Afhayeenka hay’adda Nuclear-ka ee dalka Iran ninka la yidhaa Behrouz Kamalvandi ayaa soo beegmaya xili ay xiisad adagi ka taagantahay gacanka Persianka oo u dhaxaysa dalka Maraykanka iyo Iran.

Iran Oo Kordhinaysa Tayaynta Heerka Macdanta Ay U Adeegsanayso Nuclear-ka

Waxaanu sheegay afhayeenka u hadlay hay’adda Nuclearka dalka Iran in ay kordhinta macdantaasi ay ka bilaabeen 3.67% taas oo ay hoos u dhigtay heshiiskii ay wada galeen 2015-kii Iran iyo dawladaha aduunka ee awooda leh, wakhti xaadirkana ay u baahdeen inay talaabadaasi ay ku kordhinayaan tayaynta uranium-ta inay qaadaan.

Mr Behrouz Kamalvandi oo ah Afhayeenka hay’adda Nuclear-ka ee dalka Iran ayaa sidaasi ku sheegay mar uu warbaahinta dalkiisa uu la hadlayey.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS