|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ganacsatadu Waa Inay Maceeshadda Ku Sargooyaan Hoos U Dhaca Qiimaha Doollarka…” Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland
June 4, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa ka hadley hoos u dhaca ku yimi qiimaha Dollar-ka iyo qiimaha maceeshada, isagoona sheegay inay hoos u dhigeen qiimaha Dollar-ka, si la isugu dheeli tiro sarifka lacagta iyo qiimaha maceeshada. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baanka dhexe, ayaa Ganacsatada Somalilan ugu baaqay in badeecadaha ay bulshada ka iibinayaan ay ku sargooyaan qiimaha Shilinka Somaliland iyo ka dollarku haluu marayo. Dhinaca kale, Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in siyaasada Baanka dhexe ay tahay in qiimaaha sarifka Dollar-ku aanu dhaafin 9-kun oo shilinka Somaliland ah, islamarkaana aanu marnaba hoos uga dhicin 8-kun oo shilinka Somaliland ah.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Xukuumadda Jsl Oo Ka Hadashay Sababta Masuuliyiinta Dawladda Ee Xanuunsada Loo Dhigi Waayo Cisbitaal... DAAWO;-Warbaahinta Oo Su.aalo Kala Duwan La Boobtay Maayarka Gabiley Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyay! DAAWO; Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Ujeedada G, Sool Loo Geeyey fartana Ku fiiqa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|