Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Ay Ergadii Sadexda Xisbi Ee Wadahadalada Yeeshay Ay Khilaafka Intiisii Badnayd Xaliyeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Ay Ergadii Sadexda Xisbi Ee Wadahadalada Yeeshay Ay Khilaafka Intiisii Badnayd Xaliyeen
June 29, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadley kulankii ay Madaxtooyada ku yeesheen masuuliyiinta Xisbiyada qaranka Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo BBC-da waraysi siiyey ayaa sheegay in ay ergadii saddexda xisbi ee wadahadallada yeeshay ay khilaafka intiisii badnayd xalliyeen.

“Waxa ka soo baxay wax fiican, qodobadii la isku khilaafsanaa baa in badan la isku af-gartay, ilaa laba qodob baa hadhsan oo aanu doonayno Insha Allaahu in aan si niyadsami ah u dhamayno. Markaa habeen dambe todobada…. ayaanu lix qof iskugu iman doonnaa oo aanu jecelnahay qodobada u baahan in laga wadahadlo la iskuna tanaasulo in aan soo dhamayn doonno ayaanu u ballanay.” Ayuu yidhi Faysal.

Faysal, waxa kale oo uu sheegay in ay rajaynayaan in xukuumaddu tanaasuli doonto maadaama oo ay iyadu talada hayso Madaxweynuhuna ballan qaaday in shirarkaasi markay dhamaadaan ay shacabku war farxad leh maqli doonaan.

Gudoomiye Faysal oo ka jawaabayey su’aal ahayd inta ay le’egtahay rajada laga qabo in wixii ka soo baxa wadahadalladaasi ay hirgelayaan maadaama oo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ah gudoomiyaha xisbiga wax tabanaya ee Waddani aanu wadahadalladaa ka qayb gelin oo dalka ka maqanyahay ayaa waxa uu yidhi “wallaahi waxaasi waa dhibaato, intaa wadahadalladu socdeen mar kasta wuu baxayey Cabdiraxmaan. Hase ahaatee waxa weeyi xisbigu hal qof ma aha, fulintii oo dhan baa joogta, madax badan buu leeyahay, gudoomiyuu leeyahay oo isaga ah, gudoomiyaha ku meel gaadhka ah buu leeyahay wuxu leeyahay hadana hogaamiye oo Xirsi ah. Markaa waxaan filayaa in waxaas oo dhami waxay qaataan ee ay go’aansadaan aanu hadal ka keenayn gudoomiyuhu.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS