Fatahaado Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Deegaanka Xuddun Ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fatahaado Ka Dhashay Roobab Ka Da’ay Deegaanka Xuddun Ee Gobolka Sool
June 3, 2019 - Written by Reporter:

Xuddun (WJN) – Deegaanka Xuddun ee gobolka Sool oo ka mid ahayd meelaha ugu darnaa ee abaartii baahsanayd ee degaanadaasi soo marta ay loxos dhigtay ayaa hada dhibaato kale ugu darsatay ka dib markii roobab aan kala go lahayn isu daba mareen afartii maalmood ee la soo dhaafay kana go’doomiyeen dhulka intiisa kale.

“Dooxada Xudun magaalada uma dhowa oo illaa afar kiiloomitir ayay u jirtaa meelaha qaarkood hadana biyihii ka soo fatahay ayaa magaalada qarqiyey inkasta oo aan khasaare la sheegto aanu jirin hadana dhib badan baa taagan” sidaa waxaa sheegay Axmed Cali Faarax oo ka mid ah hawlwadeenada caafimaadka gobolka Sool.

Waxa kale oo uu intaas ku daray in aan wax gaadiid ahi magaalada soo gelin kana bixin, waxaana marhoreba la waayey sida uu sheegay khudaartii iyadoo laga cabsi qabo in raashin la’aani timaado.

Maxamed Jaamac Mahad oo ku sugan degmada Xuddun ayaa waxa uu sheegay in ay dad badan dhibaato soo food saaratay oo dadka reer guuraaga ah.

“Mudo sadex maalmood ah waxaa jirey gurmad oo dadka reer guuraaga ah oo aan badanaa kaga xisaabtama sidii kalhore ayaa ku godoomaya biyo mareeno dhexdood  hada waxaan si dirqi ah kaga soo saaray caruurtii reer ku godoomay dooxada Shinbiraaley, dadkii waaweynaa iyo xoolihiina turug yar bay saaran yihiin, hadii biyuhu soo kordhaana rajo maleh hadii ay yaraadaaana waan ka soo saaraynaa ” ayuu yidhi Maxamed isagoo intaas raaciyey sida muuqata in laashash loo baahan karo.

Si kastaba ha ahaatee qaylada ka soo yeedhaysa degmada xudun ayaa aad u badan iyadoo badanaa hada xoolo aan la xaalayn ee dadka samatabixintiisa xooga la saarayo.

 

Wajaalenews Desk

Laascaanood Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS