Dowladda Soomaaliya Oo Heshiis la Gaadhay Shirkadaha Shidaal Baadhista Ee Shell Iyo Exxon Mobil! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya Oo Heshiis la Gaadhay Shirkadaha Shidaal Baadhista Ee Shell Iyo Exxon Mobil!
June 22, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N) –Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ayaa dowladda Soomaaliya la gaadhay heshiis ay dib ugu soo laabanayaan dalka, muddo soddon sanno kaddib, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SONNA.

Wasiir ku-xugeenka Macdanta Iyo Batroolka Maxamud Abdikadir Hilaal ayaa u xaqiijiyay wakaaladda heshiiska shirkadaha shidaalka iyo dowladda Soomaaliya,waxaana munaasabad heshiiska lagu saxiixayo lagu qabtay magaalada  The Hague ee dalka  Netherlands oo xarun u ah shirkadda Shell.

Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa  jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xidhmooyin, xidhmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka oo inta ku daray in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.

Waxaa kalo uu xaqiijiyay shirkadahan inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamman xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil  ayaa ka mid ah shirkadaha ugu weyn caalamka ee lagu tixgiliyo arrimaha shidaalka, iyadoo horey shirkadda Shell ay xiriir wanagsan la lahayd Soomaaliya ka hor burburkii dowladdii dhexe.

 

COMMENTS
LINKS