Dal Ka Tirsan Yurub oo Baarlamaankiisu Aanu Lacag Badan Qaadan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dal Ka Tirsan Yurub oo Baarlamaankiisu Aanu Lacag Badan Qaadan
June 2, 2019 - Written by Reporter:

Stockholm (WJN) – Shaqada siyaasadda ayaa ah mid faa’idooyin badan leh marka la eego dhanka dhaqaalaha. Balse arrintaasi kama jirto dalka Sweden.

Dalkan oo ka mid ah dalalka la isku yidhaahdo Scandinavian-ka ayaa caan ku ah dhaqaale tashiilka iyo in qofka siyaasadda galaa aanu qaadan dhaqaale buuran.

Ra'iisal Wasaaraha Sweden, Stefan Lofven

Marka laga yimaado gunnooyinka ay qaataan, xildhibaannada dalka Sweden ayaa waxaa xakameeya xeerar adag oo ku aaddan in aanay sidii ay doonaan u isticmaalin lacagaha canshuur bixyeyaasha.

“Muwaadiniinta Caadiga ah”

“Waxaan nahay muwaadiniin caadi ah,” ayuu sheegay Per-Arne Hakansson, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sweden.

“Macno wayn ma samaynayso in xildhibaanada mudnaan gaar ah la siiyo, maadaama ay matalaan shacabka iyo xaaladaha ay ku nool yihiin”.

“Waxaa odhan karnaa mudnaanteennu waa in aan dadka u shaqaynno, oo aan helno fursad aan ku baddali karno jihada uu dalku u socdo” ayuu intaas u daray Mr Hakansson.

Xubnaha Baarlamaanka Sweden ayaa xaq u leh in ay si bilaasha ah ku raacaan gaadiidka dadweynaha.

Xubnaha baarlamaanka Sweden ayaa ka duwan baarlamaanada kale ee caalamka, mana lahan gawaadhi iyo darawello si gaar ah loogu qoondeeyey.

Mushaharka

“Ma adeegsanno gawaadhida kirada ah,” ayay tidhi René Poedtke, oo ah mas’uul baarlmaanka ka tirsan.

“Ma jiraan gawaadhi gaar ah oo loo qoondeeyey xildhibaanada si ay guryahooda u geeyaan ugana soo qaadaan.”

Dhab ahaantii, siyaasiga kaliya ee leh gaadhi joogto ah dalka Sweden oo dhan waa Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaanada Sweden ayaa bishii mushahar ahaan u qaata $6,900, taas oo ah kala badh mushaharka uu qaato qofka ku jira Congress-ka Maraykanka oo ah $14,000 .

celceliska mushaarka billaha ah ee Sweden ayaa ah $2,800 bishiiba.

Per-Arne Hakansson

Xildhibaanadda laga soo doorto deegaannada ka baxsan magaalada Stockholm ayaa la siiyaa gunno lagu magacaabo “traktament” – oo ah gunno joogta ah oo la bixiyo maalmaha shaqada ee ay ku sugan yihiin magaalada caasimadda ah.

Waa immisa gunnadaas? waa $12 maalintiiba, taas oo aan goyn waxa aan cunto fudud ka ahayn.

Tan iyo sanadkii 1957-dii, xildhibaanadda Sweden ma ayna qaadan jirin mushaar. taas baddalkeedana xubnaha xisbigiisa ayaa gacan ka siin jiray xildhibaan kasta dhaqaalihii uu ku noolaan lahaa.

Hal hal sariir

Goobaha ay ku nool yihiin ayaa ah kuwo raaxo leh: Per-Arne Hakansson, tusaale ahaan wuxuu ku nool yahay qol bed kiisu dhan yahay 46 meter oo isku wareeg ah.

Guryaha ay dawladdu leedahay ayaa ah ku aad u cidhiidhi ah oo cabbir ahaan dhan 16 Meter oo isku wareeg ah.

Sidoo kale, guryahaasi ma dhex yaallaan alaabada qaar sida mashiinada dharka lagu dhaqo iyo kuwa weelasha lagu nadiifiyo. dhammaan waxaa dhex yaal hal sariir oo qudha.

Shaqo aan mushahar lahayn

Dhaqaale tashiilka ayaa xataa aad ugu xooggan siyaasiyiinta gobollada ee Sweden.

Matalaadda siyaasadeed ayaa la mid ah shaqooyinka caadiga ah ee dalkaas ka jira. ku dhawaad 94% ka mid ah dadka matala goloyaasha deegaanada waxay shaqeeyaan mushahar la’aan. waxaana kuwaas laga soo reebaan mudaneyaasha ku jira guddiyada oo intooda badan shaqeeya hal galin.

Christina Elffors-Sjödin, oo ka mid ah golaha deegaanka, Stockholm, oo sharxaya falsafaddaas ayaa yidhi: ” Waa shaqo iskaa wax u qabso ah taas oo aan ku bixinno qayb kamid ah wakhtigeenna.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS