|
|||||
WAJAALE NEWS
Dacwad Laga Gudbiyey Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa
June 1, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir) oo ka mid ah Suugaanyahannada Somaliland, ayaa ka hadlay Xus loogu Magac-daray “Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka” kaasi oo 28-kii bishan May lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa. Yuusuf-shaacir oo Maanta u warramay Telefiishanka HCTV ayaa sheegay inay wax dhaqanka ku cusub tahay in Maalin gaar ah loo sameeyo Caadada Haweenka, sidaasi darteedna uu Laamaha Dawladda ee ay khusayso u gudbiyey Dacwad ka dhan ah, si buu yidhi wax looga qabto. Abwaanka oo arrimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Kulankaa waxa loogu Magac-daray ‘Maalinta Caalamiga ah ee Fayo-dhowrka Caadada haweenka’ arrinkaasi wuxuu ahaa arrin ku cusub Dadka, dhaqanka iyo Diintaba. facebook-gooda markaa gasho waxa ku sii qoran aynu jabino Deyrka ka hadal la’aanta Caadada Dumarka. Caadadu waynu ognahay waa wax Caafimaadka Dumarka la xidhiidha oo Diinteedu si wanaagsan oo asturan uga hadashay, laakiin in Xaflad loo sameeyo oo la yidhaahdo Maalin baa lagu xusayaa gaar ah, waa wax aad u cajaa’ib ah oo innagu soo kordhay.” Abwaanku waxa kale oo uu sheegay “Meelo badan baan u gudbiyey Dacwadda, waxaan u gudbiyey Wasaaradda Warfaafinta oo kale, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Labada Gole ee Baarlamaanka Guddiyadooda anshaxa waanu u gudbinay, Ciddii kale ee ay khusaysana waanu u gudbinaynaa, sida Guddida wanaag-farista. Madaxweynahana halkan farriin baan uga gudbinayaa ah, wuxuu ku dhaartay inuu ilaalinayo Diinta, Dalka iyo Dadkaba, markaa inuu arrintaa Tallaabo ka qaado ayaan farriin ugu dirayaa..”ayuu yidhi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo:Dawlada Sucuudiga Oo Joojisay Qaadashada Xoolaha Soomaalida Iyo Saamaynta ay Ku Yeelan Karto D... “Qarankani Cid Buu Doortay, Hawl Walba Cid Buu u Doortay, Madaxweynaha Iyo Ciddii Uu Talo Moodo Aya... “Waxaad Arkayseen Maalmahan Wasiiro Lasoo Kalifay Oo Midba Maalin Ujawaab La yidhi Mucaaridka Oo Iya... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|