DAAWO;-Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Oo Ka Hadashay Mawqifka Dalkeeda Ee Qadiyada Somaliland Iyo Xidhiidhka Wakhtigan Ka Dhexeeya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Oo Ka Hadashay Mawqifka Dalkeeda Ee Qadiyada Somaliland Iyo Xidhiidhka Wakhtigan Ka Dhexeeya!
June 28, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo waraysi uu la yeeshay telefishanka BBC, Ayaa mar wax laga waydiiyay mawqifka dawladda Kenya ee ku Eadan Qadiyada  Somaliland iyo xidhiidhka ay wakhtigan kula macaamilaan Somaliland.

Wasiirka armaha dibad ayaa Waxay sheegtay in la macaamilkaasi uu waafaqsan yahay shuruucda ururka midawga Afrika, isla markaana ay jiraan dalal badan oo ay xidhiidho   leeyihiin, kuwaasi oo qaar kood aanay weli beesha caalamku aqoonsan.

“Mawqifka Kenya ee  ku aadan Somaliland waxa uu la mid yahay ka midawga Afrika. Waanan ixtiraamsan nahay xuduudaha Afrika, sida ku xusan go’aankii midawga Afrika ee 1964-kii”ayay tidhi wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi “Danno ayaan ka leenahay dalal badan, ka hor inta aanay dawlado la aqoonsan yahay noqon.

Suudaanta Koonfureed wakiillo ayaa Kenya u joogay, ka hor intii aanay dawladnimadda qaadan. Dal caynkaas ah ayaan nahay.

Dalal badan ayaan wakiillo ku leenahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanaan la macaamilin dadka? Waan la macaamilaynaa”.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA OO FAAH FAAHSAN;

 

 

COMMENTS
LINKS