DAAWO; Madaxwaynaha jsl Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Xuskii 26Juun! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxwaynaha jsl Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Xuskii 26Juun!
June 26, 2019 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn  si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hadalkiisa diiradda ugu saaray taariikhda ma guurtada ah ee ay Somaliland leedahay oo uu sheegay inay ka horraysay waqtigii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dalweynaha Ingiriiska,“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADA MADAXWAYNAHA;

COMMENTS
LINKS