Cashuur Degmo Ama Gobol Gaar ah Oo Madaxwayne Cigaal U Xidhay Iyo Degmo Uu Wax Ka Jaray Midina Ma Jirin ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cashuur Degmo Ama Gobol Gaar ah Oo Madaxwayne Cigaal U Xidhay Iyo Degmo Uu Wax Ka Jaray Midina Ma Jirin !
June 25, 2019 - Written by Editor:

Waxa had iyo goor soo noqnoqda ama dadka qaar ku celceliyaan in ay yidhaahdaan madaxwayne cigaal baa gobolo ama degmooyin dhaqaale cashuureed oo gaar ah amaba sed bursiimo ah u sameeyay, arinkaasi waa mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Xeer la yidhaahdo mideynta cashuuraha ayaa ay dawladii Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal samaysay xeerkaasi oo cashuuraha intoodii ugu badnayd ka wareejiyey dawladaha hoose oo diiday in dadka laba cashuurood ku dhacaan.

Cashuuraha iyo dakhliga dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe waa laba cashuurood oo midi ugu hadho baanka gobolka ama degmada cashuurta lagu qabtay, waana cashuurta dakhligeedu yahay 10% , iyo cashuur kale oo waxa la cashuurayo ka noqota 12.5% oo qasnada dawlada dhexe ku soo dhacda.

Cashuurta dawlada hoose ee 10% ee degmooyinku ka helaan dakhliga dawlada dhexe ee gobolkaa ama degmadaa iyaga oo marka la qabtoba si toosa uga qaadan kara baanka , waxa lagu kala badan yahay sifooyinkan;-

1- Dawladaha hoose iyo maamulka gobolada oo kala shaqeeya in cashuurtu dawlada dhexe u soo wada xerooto, koontarabaanka iyo waxyaabaha lagu lunsado cashuuraha sida foojariga kala dagaal gasha wasaarada maaliyadda .

2- Iyo deegaanka istaratijayadeed ee degmadaasi ama gobolkaasi ku yaallo .

Cashuurta kale ee 12.5% ee raacda cashuurta dawlada dhexe ee qasnada maaliyada ku dhacdaa waxa dib loogu kabaa degmooyinka inta badan looma eego tanaa dhaqaale badnayd ee darajada degmada ayaa wax lagu bixin jiray xiligii iigu dambaysay, waxaana jira degmooyin aan lahayn ilo dhaqaale oo xaq u leh in dawladoodu kabto.

Arimahaa waxa aan arkaa iyada oo la siyaasadaynayo ee bal ka waran hadii la yidhaahdo degmo kastaa waxa ay dhaqaale soo saarto wax u qalma ayaa lagu celinayaa , waxa dhici karta in  degmooyinka cabanaya ay kaga sii xumaataa ba , haddaba dhaqaale waa ay sameyn kartaa degmo waliba hadii ay nidaam wanaagsan oo ay ku urursato cashuuraha dawlada hoose iyo waxii ay ka hesho dawlada dhexe qorshe u samaysato.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

 

COMMENTS
LINKS