Caasimadda DDS Ee Jigjiga oo Saaka Si Wayn Ciidii La Isugu Soo Baxay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Caasimadda DDS Ee Jigjiga oo Saaka Si Wayn Ciidii La Isugu Soo Baxay
June 4, 2019 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN) – Caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga ayaa maanta si wayn la isugu soo baxay Salaaddii Ciidda, iyadoo Shacabka magaalada Jigjiga oo yar iyo waynba leh isugu soo baxeen goobta salaadda lagu tukanayay.

Haddaba Shacabkii salaadda ciidda isugu soo baxay ayaa wajiyadooda farxad badan ka muuqatay iyadoo dadku isugu hambalyaynayeen Ciidda.

Ciiddan ayaa sidoo kale waxaa joogay mas’uuliyiinta u saraysa Degaanka oo uu kamid yahay Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar.

Waa ciiddii u horeysay oo shacabku si xor ah u ciidaan iyadoo ciidihii hore shacabku dhib kala kulmi jireen xilligay Salaadda Ciidda imanayaan, dadkana laga ururin jiray wax walba oo ay guryahooda kala yimaadeen sida Mobilada iyo wixii lamid ah, balse Ciiddan aan dadka la dhibin.

Ciiddan ayaa sidoo kale Ciidihii hore kaga duwan iyadoo dad isla dhashay oo kala maqnaa oo cabsi maamulkii hore ay ka qabeen dalka uga baxay ay maanta kuwada Ciidayaan hal meel.

 

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS