|
|||||
WAJAALE NEWS
Budhcad Internetka oo lacag boqolaal kun madax furasho ka qaatay maamul magaalo
June 21, 2019 - Written by Reporter:Maamulka magaalada Florida ee dalka Mareykanka ayaa go’aan ku gaadhay inuu lacago madax furasho ah oo gaadhaysa 600,000 doolar uu siiyo maleeshiyaad kamid ah budhcadda Internetka si ay dib ugu soo ceshadaan xogtii laga dhacay. Koombiitaradii dowladda hoose ayaa shaqeyn waayay markii ay weerartay budhcadda Internetka si ay madax furasho u weyddistaan maamulka isla markaasna dib ugu soo celiyaan howshoodii. Budhcadda ayaa waxay jabsadeen xogta waaxda gurmadka degdeg ah ee magaalada, waxay arrintaas u horseeday in qaar kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ay ku shaqeyaan warqad iyo qalin. Shaqaalaha dowladda hoose ee magaaladaas oo gaadhayo 35,000 ayaa u codeeyay in lacag madax furasho ah la siiyo budhcadda Internetka sii loo celiyo xogtii laga jabsaday, waxay arrintani ka dambeysay baadhitaano ay sameeyeen khuburro maamulka u qaabilsan arrimaha ammaanka Internetka. “Waa in aan raacnaa talooyinka ay noo soo jeediyeen khuburrada oo ah bixinta lacagta” ayay tidhi Rose Anne Brown oo ah afahayeen u hadashay dowladda hoose ee Riviera Beach oo hoostagto magalaada Florida. Brown waxay sheegtay in ayna jirin caddeyn muujineysa in budhcadda ay dib usoo celin doonaan xogtii ku keydsaneyd Koombiitarada dowladda hoose marka lacagta ay qaataan kaddib. Lacagta madax furashada ah waxaa lagu bixiyay nidaamka bitcoin, waxaana lacagta lagu maareeyay barnaamijka ceymiska ee dowladda hoose. Koombiitarada ayaa la weeraray dabayaaqadii bishii May ee sanndkan kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha dowladda hoose uu gujiyay lifaaq loogu soo diray Email-ka, weerarkan waxaa uu dhibaato u geystay adeegyada shacabka, waxaana damay xarumiihi biyaha gaadhsiin jiray. “Budhcadda Internetka waxay doonayaan in weerarkooda ay u adeegsadaan inay ka faa’idaan, waana sababta ay u jabsadeen xogtii muhiimka aheyd ee magaalada, waa qaab ganacsi u ah” ayuu yidhi Cesar Cerrudo, madaxa teknooloojiyadda shirkadda arrimaha amniga qaabilsan oo lagu magacaabo IOActive. Ha’yadda dambi baadhista Mareykanka ee FBI-da ayaa la rumeysan yahay inay baadheyso dhacdada balse kama ayna hadlin budhcaddii Internetka ee jabsatay xogta maamulka hoose ee Riviera Beach iyo go’aanka lagu bixiyay madax furashada. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|