Arrin Xumo Abaar Ka Daran:Xukuumada Iyada Iskugu Wacan Sumcad Xumadda Beesha Caalamku Ku Dhaliilayso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arrin Xumo Abaar Ka Daran:Xukuumada Iyada Iskugu Wacan Sumcad Xumadda Beesha Caalamku Ku Dhaliilayso!
June 23, 2019 - Written by Editor:

Saddexdan Talaabo Xukuumaduna Guul kama Gaadhin Qarankuna Ceebuu Ka Qaaday.Barkhad-ladiif.

1;Xildhibaan Dhakool xadhigiisa iyadoo aan xasaanad laga qaaday maxkamaduhuna diideen qaranka ceebay ku ahayd siday doonayeena wax uma dhicin ee golihii wakiilada iyo maxkamadihiiba way ka hor yimaadeen, ugu dambeyna waa la iska siidaayey.

Bal ka waran hadii sida dastuurka tilmaamayo raaci lahaayeen ma ceebay ka qaadi lahayeen, hadii isagoo banaanka jooga dambigiisa la soo oogo oo golaha wakiilada loo gudbiyo xil ka xayuubin laba cali kuma wada hadleen, waayo sifihii sharcigu ogaala baa la maray.

2;Xadhiga labada telefishan ee Eryal iyo Horyaal ee aan jidka sharci loo marin qaranku ceebuu ka qaaday oo beesha caalamka waxay u arkeen cabudhin hor leh, waana lagu cambaareeyey, hadana waa la iska fasaxay.

Bal ka waran hadii sharciga marin lahayeen oo xeer ilaalinta inta loo gudbiyo wixii dambi lagu hayo sharciga lagu kala baxo ma cid baa odhan lahayd waa sharci daro, hadda sidanna way awoodi karayeen ee mooyi waxay ceebta qaranka ula doonteen.

3;Talaabadii xukunka deg deg ahaa ee gobolka Sanaag la saaray ee baarlamaanku diiday iyana ceeb kale ayey ahayd, laba arrimoodba, ta hore in madaxweyne go’aan uu soo saaray gole wakiilo diidaan waa markii ugu horeysay, taasina waxay tilmaamaysa in aanu taageero ka haysan baarlamaanka oo hadii ay doonaan xil ka xayuubinba samayn karaan, ta labaad sumcad darada uu go’aankaasi u keenayo Somaliland ee dhinaca Beesha Caalamka lama eegin , waayo dhamaan hay’adihii ka shaqayayey samafalka shaqadii way joojiyaan wayna ka soo baxayaan marka goob la saaro xaalad degdeg ah.

Marka uu Maraykanku ama Ingiriisku soo saaro digniin ku saabsan in aan la tagi Karin qaybo ka mid ah Somaliland ayey dadkeenu ka xumaadaan oo u arkaan sumcad dilis, bal ka waran xukuuumadaadu markay iyadu ku dhowaaqdo qaybo dhan xaalad deg deg ah lagu soo rogo .????

Talaabooyinkaasi waxay ina tusaysa deg deg iyo u fiirsi la’aan in go’aamada loo qaadanayo, taas oo qaranka u fiicnayn, waxa la heli karayey intaas oo xal oo qaranku ku badbaadi karayey hawshooduna u fuli lahaa.

Taariikhda inta badan waxa fudeyd iyo deg deg lagu sheegaa wadaadda siyaasada soo gallo, waxaana tusaale u ah Daalibaan oo intii Afgaanistaan qabsadeen si fududna u lumiyey dawladoodii iyo maxaakiimtii Soomaaliya ee markay lix bilood si fiican u xukumeen badi dalkii Soomaaliya markii dambe daansaansigii Itoobiya ku sameeyeen sababtay inuu xukunkoodii burburo.

Imika waxa taariikhda cusub ku soo biireysa xukunka dadka soo maray Jabhaduhu inuu u burburi karo ama dadku ku nici karaan fudeyd iyo deg deg aan waxba loo fiirsan awgeed, waxaana tusaale u ah koonfurta Suudaan oo markii dalkii loo jaray maamuli kari waayeen, inagana maanta waxa ina xukumo rag jabhado soo maray, waxaana la eegi doonaa taariikhda ay ka tagaan mid togan iyo mid taban kay noqoto.

 

Allow sahal amuuraha.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR

COMMENTS
LINKS