|
|||||
WAJAALE NEWS
Akhri; Maansada Isku-tashi & Tacab Oo Uu Tiriyay Saleebaan Cabdi Cali (kalshaale).
June 2, 2019 - Written by Editor:Tixdani waxay soo baxday 2/06/2019, waxaanan curiyey 29/05/2019. Waxaanay ka hadlaysaa Sooyaalkii Taariikheed ee ay Somaliland soo martay iyo marxalada ay maanta marayso, iyadoo dhiiri-gelinaysa mashruuca Shaqo-qaran ee ay Xukuumaddu iminka bilowday, taasoo ay tixdu talo iyo tusaaleba siinayso Dhalinyarada ka soo baxay dufcadii 1-aad. Waxaanu ku bilaamay sidan: Haddii Gabay Tilmaan leeyihiyo Tuf iyo luuq toosan. Amma Tahami lagu faaqidiyo Nololsha Taabkeeda Amase uu aftahan toojo geel Iyo Tiiris ku amaano Amma lagu takilo guul nin Helay Turuq Ku soo hoystay Anuu taajku ii saaran Oon tiraab odhane Oo tabta Ararta waataan rag badan Toorinka u qoraye caawana tixdaan tirinayaa toban god weeyaane Taliyaha Abwaankoow guddoon Tacab wacaalkeeda… Teer iyo Dharaartii dalkani Dhidibka loo taagay Ee lixdankii godkii lagu tafulay uu dib uga soo toosay Ee taxad dhismaha laga alkumay Madashii towfiiqda Rabi tiisa mooyee iyadoon cid kale Gacan ku taageerin Amma Rabi tiisa mooyee Aadmi kale Gacan ku taageerin Taladdiisa Madaxdii qabtaye midima Taym joogay. Nin waliba Tusmuu reerka furay taallo ugu Taale Adna taagtay Muusoow Tiriig hirrasho toolmoone. Kumanaanka Tuudaha xidhane Tacabku soo saaray Ee ku tartamay Mashruucuu Xisbigu tallo ku heenseeyey Tubta Horumarkuu kow ka noqon Tababarkoodaasi Marka howsha lagu toosiyee lagu tilmaan-siiyo Oo hal aan tabaynay weeyaan Qorshahan Taaba-galay Maantu. Kuna Taxan Tusmada Dawladnimo Qaran Tilmaantiisa. Isku-tashiga Somaliland buuxsan Turuqiiye Oo Waa Tu’ lagu najaxayoo ku timi Talo aqooneede Waxa jira Dad ay Taws ku tahay tan iyo Waagiiye Oo inay tagooggaha qabtaan abid u taagnaaye Tuhun nagama saarnayn markay Tahan ka muuqdeene Iminkay tacliin soo bareen qaar talaal qaba’e Tabashada Siyaasiga ka culus tookha dhowr hebele Qorshe hoos ka taxan-baa ku ladhan ee taa hala ogaado.! Kuwa tegayna Taariikh-xumay gacan-togleeyeene Ha yeeshee Tumaatiday dhigeen guul umay tarine Hadday Moodayeen inay yihiin tiir la tebi doono Tamartoodu noogama duwana tibix Candhuufeede Todobaatan beribaynu sugi Turuf halkuu geeyo. Afartaa tilmaamaye haddaan tallo u sii dhaafo Dhalinyarada Soo tababartoow toosh hor laad tihine Turuq iyo tigaadbaad tihiin Tacab ka muuqdaaye Qayrkiin Tus-baad dheer tihiin aan tirmayn abide Qof waliba halkuu tabbaniyaye maanka ugu taagan Ee uu takhasuskeena helay Tigidhna loo siiyey Haka tumo fadhiidkoo ha guddo tacabka loo geystay. Ragga Tororogtiyo Faanka iyo tahan isgaadhsiinta Talan-taali weedhaha naxliyan ugu turqaynaaya Tawxiidka Calankaa lehiyo Qaranka Tayt gaadhay Ee uu Tudhaale iyo wanaag Taarig uga leexday Wallee tiina noqon mayso oo taa anaa huba’e Haku talax-tegina Talo-xumada Towbad-baa imane. Tir-tirsiga asxaabtuna ha damo Waa turxaan bixine. By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale) Email: curad1986@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|