Africa.com: Xiisaha Warbixinta Wiil Ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland Ka Furay Shirkad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Africa.com: Xiisaha Warbixinta Wiil Ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland Ka Furay Shirkad
June 20, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Aadan Aabi  oo ah wiil Maraykanka ku dhashay oo dhallinyaro ah ayaa dib ugu noqday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Asal ahaan ka soo jeeday, waxaanu Hargeysa ka hirgaliyey  Shirkad Caymiska ka shaqeysa oo la yidhaahdo Horn of Africa Insurance.

Aadan ayaa dhawaan lagu daray 30ka  Hoggaamiye ee Dhallinyarada  Afrika u soo baxaya, ee uu ku dhawaaqay  French African  Foundation.

Shabakada Wararka ee Wajaalenews, ayaa soo xigatay Shabakadda  caalamiga ah ee Africa.com, oo warbixin xiise leh ka sameysay ninkaas dhallinyarada ah oo  sheegay inuu go’aansaday  inuu u guuro  Somaliland oo ah dalka uu ka soo jeedo ee waalidkiinna ka yimaadeen, markii ay ka soo qaxeen dagaalladii Somaliland ka dhacay daboyaaqadii Siddeetamaadkii.

Mr. Aadan Aabi wuxuu u sheegay Africa.com in markii uu Somaliland yimid uu muddo fahmi waayey duruufaha ganacsiga Somaliland iyo luuqadiisa Soomaaliga oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid jajaban, hase ahaatee uu aasaasay Horn of Africa Insurance, kadib markii uu arkay in  Hantida kala duwan ee Somaliland, sida Guryaha, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsigu aanay ku jirin wax caymis ah oo ay taageero ka helaan haddii hantidooda waxyeelo soo gaadho.

Waxa kale oo uu intaas ku daray inuu shirkadiisa Caymiska ka hawlgeliyey dhallinyaro shaqo doon aheyd.

Aadan Aabi wuxuu barnaamij dukumantari ah oo uga warramay Shabakadda  Africa.com waxaanu  ku sifeeyey dal dhinac walba ka soo kabanaya oo ku yaalla mandaqad duruufo adagi hadheeyeen.

Waxa kaloo muwaadinkaasi soo bandhigay in Somaliland ay horumar ka sameynayso  Ganacsiga, taasina ay keentay inay yimaadaan maalgashadeyaal badani.

Mr. Aadan Aabi wuxuu intaas ku raaciyey  inuu rajaynayo in qurbo-joog badani ay  ku soo laabtaan Somaliland isla markaana ay ganacsiyo kala duwan ka furtaan dalka.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS