|
|||||
WAJAALE NEWS
Africa.com: Xiisaha Warbixinta Wiil Ku Dhashay Maraykanka oo Somaliland Ka Furay Shirkad
June 20, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Aadan Aabi oo ah wiil Maraykanka ku dhashay oo dhallinyaro ah ayaa dib ugu noqday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Asal ahaan ka soo jeeday, waxaanu Hargeysa ka hirgaliyey Shirkad Caymiska ka shaqeysa oo la yidhaahdo Horn of Africa Insurance. Aadan ayaa dhawaan lagu daray 30ka Hoggaamiye ee Dhallinyarada Afrika u soo baxaya, ee uu ku dhawaaqay French African Foundation. Shabakada Wararka ee Wajaalenews, ayaa soo xigatay Shabakadda caalamiga ah ee Africa.com, oo warbixin xiise leh ka sameysay ninkaas dhallinyarada ah oo sheegay inuu go’aansaday inuu u guuro Somaliland oo ah dalka uu ka soo jeedo ee waalidkiinna ka yimaadeen, markii ay ka soo qaxeen dagaalladii Somaliland ka dhacay daboyaaqadii Siddeetamaadkii. Mr. Aadan Aabi wuxuu u sheegay Africa.com in markii uu Somaliland yimid uu muddo fahmi waayey duruufaha ganacsiga Somaliland iyo luuqadiisa Soomaaliga oo uu ku sifeeyey inay ahayd mid jajaban, hase ahaatee uu aasaasay Horn of Africa Insurance, kadib markii uu arkay in Hantida kala duwan ee Somaliland, sida Guryaha, Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsigu aanay ku jirin wax caymis ah oo ay taageero ka helaan haddii hantidooda waxyeelo soo gaadho. Waxa kale oo uu intaas ku daray inuu shirkadiisa Caymiska ka hawlgeliyey dhallinyaro shaqo doon aheyd. Aadan Aabi wuxuu barnaamij dukumantari ah oo uga warramay Shabakadda Africa.com waxaanu ku sifeeyey dal dhinac walba ka soo kabanaya oo ku yaalla mandaqad duruufo adagi hadheeyeen. Waxa kaloo muwaadinkaasi soo bandhigay in Somaliland ay horumar ka sameynayso Ganacsiga, taasina ay keentay inay yimaadaan maalgashadeyaal badani. Mr. Aadan Aabi wuxuu intaas ku raaciyey inuu rajaynayo in qurbo-joog badani ay ku soo laabtaan Somaliland isla markaana ay ganacsiyo kala duwan ka furtaan dalka.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Deeq Raashina Oo Ay Iska KAashadeeen Jaaliyada Dalka Sucuudi Carabiya , Wasiirka wasaarada Maaliyada... Daawo:Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Abaalmarino Gudoonsiiyay Orodyahanada Kooxda G... War-Deg-Dega:Daawo Madaxwaynaha Somaliland Oo Hada Iskugu Yeedhay Warbaahinta Iyo Arimo Xaasaasi ah ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|