Afgambi Fashilmay Oo Ka Dhacay Kililka Is Maamulka Amxaarada Ee Itoobiya Iyo Wararkii Ugu Dnbeeyay Ee Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afgambi Fashilmay Oo Ka Dhacay Kililka Is Maamulka Amxaarada Ee Itoobiya Iyo Wararkii Ugu Dnbeeyay Ee Laga Helayo!
June 22, 2019 - Written by Editor:

Bahir Dar (W,N) – Isku day afgambi ayaa caawa ka dhacay gobolka Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo isagoo dhanka kalena inqilaabka fashilay uu dhiniica  shaaca ka qaaday xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ay isku dayeen in xukunka ay kala wareegaan madaxweynaha gobolka Dr. Ambachew Mekonnen, sida uu xaqiijiyey Negussu Tilahun oo ah xoghayaha warbaahinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxaa wali socoto iyadoo la maqlayey rasaas xooggan oo qeybo ka mid ah gobolka ka dhaceysay, waxaana jira khasaare nafeed oo ka dhashay oo aan weli la ogeyn inta uu la eg yahay.

Warar aan la xaqiijin oo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa dhanka kale sheegaya in Dr. Ambachew Mekonnen uu dhaawac yahay, inkasta oo xafiiska ra’iisul wasaaraha uu sheegay in taasi aysan jirin.

 

Si kastaba, qaar ka mid ah ilo-wareedyada ugu xooggan ee gobolka islamarkaana caanka ka ah baraha bulshada sida, Muluken Tesfaw ayaa werinaya in ay halis ku jirto nolosha madaxweyne

 

Ambachew Mekonen islamarkaana dhaawaciisa uu yahay mid aad halis u ah.

Nigussu ayaa shaaca ka qaaday in afgambiga la doonayey in xukunka loogala wareego saraakiisha maamulka amxaarada oo ah mid ka mid ah maamullada ugu awoodda badan dalka Itoobiya.

Nigussu ma uusan shaacin magacyada ama cidda ay yihiin kuwa ka dambeeyey afgambiga, wuxuuna dadka gobolka degan ugu baaqan inay feejignaadaan oo ay difaacaa gobolkooda.

Warbaahinta dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in ciidamada ammaanka gobolka iyo kuwa federaalka ay fashiliyeen afgambiga islamarkaana ay xaaladda iminka gacanta ku hayaan, gaar ahaan magaalada Bahir Dar ee caasimaadda gobolka Amxaarada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in gacanta lagu dhigay islamarkaana la xidhay dad la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen afgambiga.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka jiray xaalado iyo xiisado siyaasadeed oo kala duwan tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’isuul wasaare Abiy Ahmed.

 

Waxaa taas dheer dagaalo iyo colaado u dhaxeeya qaar ka mid ah qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas ku wada nool.

 

COMMENTS
LINKS