6 Qof oo Afgambi Loo Haysto oo Ka Soo Muuqday Maxkamad Itoobiya Ku Taalla | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
6 Qof oo Afgambi Loo Haysto oo Ka Soo Muuqday Maxkamad Itoobiya Ku Taalla
June 26, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Lix qof ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyagoo loo haysto falal argagixisanimo oo la xidhiidha “iskudaygii xilka lagaga tuurayay” dawlad goboleedka Amxaarada, sida uu sheegay qareenkoodu.

Waa dadkii u horreeyay ee maxkamad ka soo muuqda tan iyo markii ay rabshaduhu dhaceen Sabtidii, arrintaas oo horseeday geerida taliyihii guud ee milatariga Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo afar masuul oo kale.

Sarreeye Guuto Asaminew Tsige oo lagu eedeeyay in uu maleegay isku daygii afgambiga ayaa isna la dilay.

Xaakimka ayaa amray in eedaysaneyaasha maxkamad lagu sii hayo. Wuxuuna booliiska siiyay 28 maalmood si uu ula yimaaddo caddaymo dheeri ah.

Saddex ka mid ah dadka la xukumay ayaa xubno ka ah koox lagu magacaabo Baladera Council ama guddiga ku meelgaarka ah ee Addis Ababa, kuwaas oo ah koox siyaasadeed oo sheegtay in ay u ol’olayso muwaadiniinta dagan caasimadda.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS