|
|||||
WAJAALE NEWS
Waxaan Ka Bartay Ramadaanta Casharadan.W/Q;Barkhad-ladiif.
May 9, 2019 - Written by Editor:Dadka faa’iido dhinacyo badan leh bay u tahay Ramadaantu. Markii aan si gaar ah u qiimeeyey oo dhinacyo badan ka eegay waxa iga soo baxday faa’iidada ramadantu u leedahay aadmiga. Shay kasta oo warshadi soo saarto waxa la socda Buug yar oo laga eego sida shaygaas loo isticmaalo, iyo waxa aad uga baahan tahay shaygan aad soo iibsatay ee kugu cusub, bani’aadanka ilaahay waxa uu soo raaciyey kitaabka quraanka ah oo laga helayo if iyo aakhiro wixii aad mutaysan doonto, noloshadda oo dhan wixii khuseynayey baa ku dhan, ilaahay cudur ma soo saarin aan dawadiisa la socon ee waxay ku xidhan tahay hadba siday dadku u fahmaan. Faa’iidada maxa ka mid ah:
Isku soo wada duuboo bishani waa bil tobabar, oo sodon cisho lagu siinayo siminaar ah sida loo dareemo gaajada, cibaadda oo aad badiso iyo inaad naftaada ka adkaato. Sida mar wal oo aad shaqo ku jirto lagu siinayo tobabar siyaasadda ah ayaa ilaahay dadkiisa ugu tallogalay in sanadkiiba mar tobabar nafsi iyo mid jidheedba siiso. QALINKII; BARKHAD-LADIIF CUMAR COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|