|
|||||
WAJAALE NEWS
“Wax Beel Dhexe La Yidhaahdaa Ma Jirto, 18-ka Mayna…” Wasiirka Cadaaladda
May 16, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) –Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi ayaa difaacay Xuska Maalinta 18-ka May, ka dib markii Dad qaarkood ay dood ka keeneen sugnaanshiyaheeda. Wasiirka Cadaaladda oo la waydiiyey sida uu u arko hadal uu Xildhibaan Dhakool oo la xidhay ku sheegay in SNM Dad baro-kicisay isla-markaana 18-ka May ay tahay Maalin ay Xuskeeda Cid gaar ahi leedahay, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “18-ka May maaha Maalin lagu xasuusto wax dhibaato ah haba yaraatee, Xilligaa anigu waddankaan joogaye markii Jabhaddii SNM (soo gashay), markaa Sumcad fiican ayay leeyihiin, Waayo? Meelaha qaarkood waxyaabihii ka dhacayey kama dhicin (Halkan) oo ma samaynin, iyagaa Maamulka Gacanta ku hayey, waxay isugu yeedheen Burco Madax-dhaqameedka iyo Hoggaamiyeyaashii Qabaa’ilka, si dhammaan Dadkii hoos iman jiray Gumaystihii Ingiriisku uga tashadaan Aayahooda, taana waxa ka dhashay nidaamkan wanaagsan iyo Dawladdan aynu Maanta Gacanta ku hayno, waxaana saldhig u ah Shirarkii Boorama iyo Hargeysa Dawladnimadeena iyo Mabaa’diideena, sidaa darteed 18-ka May waa Maalin qiimo weyn ku leh Shacabka Somaliland.” Wasiirka ayaa la waydiiyey sida uu u arko Aragtida sheegaysa in 18-ka May ay Beel gaar ahi leedahay, ayaa yidhi “Ma qabo inay jirto wax beel dhexe la yidhaahdo, wax Beel shishe la yidhaahdo ama wax beel galbeed la yidhaahdo, laakiin Dad baa ku danaysta waxaas, waayo? Dadku waa beel keliya, dadka reer Somaliland waa Dad isku mid ah, waa dad aan is dulmiyin, Dad isjecel, is dhalay oo aan sinaba ku kala maarmi karin..”ayuu yidhi.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo: Madasha Wadatashiga Oo Sheegtay Cida Soo Qaban Qaabisay Doodii Musharaxiinta + Jawaabta Xisbi... “Shacaboow Mid Ogaada, Yaan Laga Sasin Buuqa Iyo Muranka Asxaabta, Waana Meel Talo Lagu Wadaagayo Oo... “In Wasiir Siciid Sulub Xabaalaha Lagu Weeraro Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Masuul Ka Ah”Siyaasi Bashii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|